“Ruushka laguma nijaasayn karo Qur’aanka” – Nin Kitaabka gubey oo cashar culus loo dhigay (Waa nin kale oo Carbeed)

0

(Ulyanovsk) 06 Luulyo 2023 – Kiiska dembi ayaa lagusoo oogay muwaadin ajnabi ah oo looga shakisan yahay inuu Qur’aanka Kariimka ah ku nijaaseeyey magaalada Ulyanovsk ee dalka Ruushka taasoo ku taal Webiga Volga, sida ay sheegeen Guddiga Maxalliga ah ee Baaritaanka Ruushka. Waxaa lagu eedeeyey inuu u gefay shucuur diimeed.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey in uu falkan sharci darada ah ka sameeyey buunda cagta ah oo looga gudbo Webiga Sviyaga ee magaalada 1-dii bishii Juun, sida ay wakaaladdu ku shaacisay bayaan ay soo saartay Khamiistii.

Baaritaanka ayaa lagu ogaadey in “28-sano jirkan oo u dhashay waddan shisheeye” uu ku is istaagey Qur’aanka Kariimka ah, kuNA shubay khamri, kaddibna ku dhex tuuray kitaabka Islaamka ugu muhiimsan biyaha, isagoo wax walba ku duubayey telefoonkiisa, sida lagu yiri baarista.

Baarayaasha ayaa maxkamadda ka codsan doona in ninkan la dhigo xabsiga inta laga dhamaynayo baaritaan buuxa, ayay hay’addu tilmaantay. Waxaa kaloo la amray in gurigiisa la baaro. Qofkan ajnabiga ah ayaa wuxuu wajihi karaa ugu yaraan ilaa 5 sano oo xabsi Ruush ah haddii lagu helo dembiga.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa tuhmanaha ku sheegtay inuu u dhashay dalka Masar, kaasoo muddo sannado ah ku noolaa dalka Ruushka. Sida uu qoray wargayska Argumenty I Fakty, waxaana uu ahaan jirey Muslim, balse waxa uu qaatay diinta Masiixiga sannadkii 2018-kii, isagoo sheegay inuu dalkiisa uga cararay ciqaab la marsiiyey.

Sheekadan ayaa si wayn loo hadal hayey tan iyo horraantii bishii Juun ee sanadkan kaddib markii ninkani uu baraha bulshada soo dhigay muuqaal uu ku aflagaadaynayo Qur’aanka Kariimka ah.

Madaxa Ggobolka Ulyanovsk Md Aleksey Russkikh ayaa Arbacadii soo galay Telegram isagoo dareen caraysan ka muujiyey waxa dhacay. “Gobolkeennu waa mid quruumo kala nooc ihi deggan yihiin. Waynu is ixtiraamnaa dhaqamada, caadooyinka kala duwan, waxaana aad ugu nugulnahay dareenka diineed. Tani waa dembi naga dhan ah,” ayuu qoray Guddoomiyaha gobolku.

“Wadammada kale qaarkood dhaqamada noocan oo kale ah waxay ka noqon karaan caado la ogol yahay balse qalloocan, laakiin Ruushka ixtiraam la’aanta Qur’aanku waa dembi aad u fool xun oo laga yaqyaqsoodo.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media