Qorshe ANSHAX ahaan halis ah oo lala damacsan yahay INSAANKA oo durba socda

0

(Hadalsame) 28 Juun 2023 – NIDAAMKA CUSUB EE DUNIDA & HALISTA KASOO FOOL LEH

Waxa aannu muddooyinkii dambe maqlaynay GMO (genetically modified organisms) oo ah wax ka beddel lagu samaynayo hidde-sideyaasha noolaha, gaar ahaan dhirta, iyada oo wax; laga beddelayo, lagu darayo ama laga jarayo DNA-ga genome-ka geedka, taas oo siinaysa astaamo cusub ama ka duwan kuwii hore loogu yaqaannay.
Iminka waxa la wadaa qorshe la doonayo in uu hirgalo 2021-2030 oo ah in wax laga beddelo hidde-sideyaasha dadka, iyada oo jirka qofka cirbad lagula tallaalayo hidde-sideyaal cusub oo qayb ka noqonaya DNA-da qofka. Waa iska qaabkii loo sameeyay GMO.
Waxa la doonayaa in dadka maskaxdooda la xukumo oo dhawr click oo computer-ka ah qofka halkii la doono, waqtigii la doono loogu diri karo. Waxa la doonayaa in maskaxda qofka laga shubo afkaartii diiniga ahayd ee horay loogu shubay, afkaar cusub oo nidaamka cusub ee dunida maamuli doonaa uu watana lagu shubo.
Waxa lala dagaalayaa lana doonayaa in la tirtiro diintii, dhaqankii iyo caadooyinkii soo jireenka ahaa ee kumanaanka sano ay dadku haysteen ama aaminsanaayeen.

Nidaamka Cusub ee Dunidu in uu durba billowday, waxa kuugu daliil ah nidaamkii maaliyadeed ee dunida oo hal meel laga maamulo (IMF + World Bank) iyo dawlad-u-yaallada dunida ka jira oo loo meerinayo qaabkii ay dadkooda iyo dalalkooda u maamuli lahaayeen.

W; D: Sabriye Muuse

Hadalsame Media