MW Ruushka oo kashifay cidda maalgelisa kooxda hubaysan ee Wagner & Xog aan la ogayn oo ku saabsan ninka xukuma

0

(Moscow) 28 Juun 2023 – Ruushka ayaa si rasmi ah u sheegay cidda maaliyad ahaan taageerta kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner.

Kooxda Wagner waxay si buuxda ugu tiirsanayd taageerada Dowladda, Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa sidaa ka sheegay kulan uu la yeeshay taliyeyaasha millateriga dalkaas oo ka dhacay Kremlin Talaadadii.

”Dagaalyahannada shirkaddan gaarka loo leeyahay ayaa la sheegay inay bixinayeen Wasaaradda Difaaca oo helaysa miisaaniyadda Dowladda,” ayuu raaciyey.

Intii u dhaxaysey Maajo 2022 iyo Maajo 2023, masuuliyiinta Ruushku waxay u qoondeeyeen $86.26 bilyan oo Ruble ($ 1.04 bilyan oo Doollar) mushaharka iyo bixinta dhiirrigelinta dagaalyahannada Wagner, sida uu Madaxwaynuhu daaha ka qaaday.

Dhanka kale, aasaasaha Wagner Evgeny Prigozhin, oo sidoo kale leh shirkadda cuntada ee Concord, ayaa balaayiin Ruble ka helay qandaraasyada Dowladda Federaalka, ayuu Putin xaqiijiyey.

“Xilli maaraynta kooxda Wagner ay dul saarnayd garbaha dalka, milkiilaha Concord wuxuu DF ka helay 80 bilyan oo Ruble ($ 960 milyan) sanadkii isagoo cunto siinaya ciidanka,” ayuu yiri Madaxwaynaha Ruushku.

“Waxaan rajaynayaa in qofna uusan waxba xadin intii ay waxani socdeen [qandaraasyada].” ayuu sheegay, isaga oo raaciyey in mas’uuliyiintu ay “run ahaantii baari doonaan arrintan.”

Hadalsame Media