Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta Turkiga min Qarniyadii ilaa 13-20aad (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 22 Juun 2023 – Sultaan Sulaymaan Qaanuuni ciidankiisii ayuu ula ruqaansaday dhanka Yurub, waxana uu qabsaday magaalada Belgrade, caasimadda Serbia. Waxa kale oo uu qabsaday Jasiiradda Rhodes oo iminka kamid ah dalka Giriigga. Halkan ka aqri qaybtii 2-aad….

Waxa uu dagaal daba dheeraaday la galay boqortooyadii Hungary, ilaa uu markii dambe ku jebiyay dagaalkii ka dhacay waadiga Mohacs sanaddii 1526kii.

Intaas keddib, Sultaan Sulaymaan waxa uu diiradda saaray xaggaas iyo boqortooyadii Austria oo uu xukumayey boqor Ferdinand, waxana uu dul degay magaalada Vienna, caasimadda Austria, hase yeeshee ma aanu awoodin in uu magaalada ku khasbo inay is dhiibto.

Sultaan Sulaymaan Qaanuuni waxa uu heshiis is-xulafaysi la galay boqorkii Faransiiska Faransiiskii 1aad. Is-xulafaysigaasi guulo la taaban karo ayuu ka soo hoysay magaalooyinkii Talyaaniga, hase yeeshee, si buuxda uma aanu gaarin dantii laga lahaa, keddib markii boqorkii Faransiisku uu heshiiska ka baxay.

Cismaaniyiintu waxay lahaayeen raxan maraakiib badeed ah oo aad u xoog badan, uuna hoggaaminayey Kheruddiin Barbaroos (Hayreddin Barbarossa). Barbaroos waxana uu awood u yeeshay inuu maquuniyo Waqooyiga Afrika, iyo inuu badda Mediterranean-ka ku jebiyo Spain iyo Venice.

Muddadii u dhaxaysay 1683-1827 xukunka dowladdii Cismaaniyiinta waxa iskaga dambeeyay 15 sultaan. Muddadaas waxa soo koobmay furashooyinkii Yurub, waxana soo baxay quwado cusub sida Russia iyo Austria, kuwaasi oo baqdin geliyay xuduudihii dowladdii khilaafada.

Qarnigii 19aad dowladdii Cismaaniyiinta waxa loo bixiyay Ninkii Yurub ee Bukay (sick man of Europe), waxana billowday kacdoonno gudaha ah oo isir ku dhisan, sida kacdoonkii dadka asal ahaan Giriig kasoo jeeday iyo dhaqdhaqaaqii Wahaabiyada ee ka dillaacay dhulka Xijaas.

Waqtigaas waxa soo baxay Maxamed Cali Baasha oo gooni ula go’ay Masar iyo Shaam, dagaal ba’anna la galay sultaankii Cismaaniyiinta, kuna sigtay in uu bartamaha Turkiga gaaro.

Ruushka ayaa isna dowladdii Cismaaniyiinta kala wareegay inta badan dhulalkii Aasiyada Dhexe, sidoo kalena dowladdii Cismaaniyiinta waxa gacanteeda ka baxay dhulal badan oo Yurub ah dagaalladii ay la gashay Austria, Hungary iyo Bulgaria dartood.

Waxa billaabatay qabyaalad iyo in isir ahaan lagu kala tago, iyada oo dadkii asal ahaan Turkida ahaa ay dhinac isula baxeen. Waxa soo baxay dadyow kale oo isir ahaan isu bahaystay sida Carab, Arman, Yurub , Sharkas iyo qowmiyado kale, kuwaas oo dhamaantood doonayay inay xukunkii Cismaaniyiinta ka hoos baxaan.

Sidaas oo kale, xilligaasi waxa uu ahaa markii ay Yuhuuddu isku dayday inay dhulka Falastiin dowladdii Cismaaniyiinta ka iibsato, waxase si ba’an isu hor taagay Sultaan Cabdilxamiidkii 2aad (1876-1909).

Waxa billowday dhaqdhaqaaqyo isir raac Turki ah, sida Xisbiga Midnimada iyo Horumarka (Union and Progress Party) kaas oo si ba’an lafaha uga galay hay’adihii dowladda iyo ciidamada, noqdayna jihada iyadu dhab ahaan dowladdii Cismaaniyiinta xukunka.

Laga billaabo sanaddii 1914kii dowladdii Cismaaniyiintu waxay gashay Dagaalkii 1aad ee Dunida, iyada oo ka barbar dagaallamaysay Jarmalka, Austria iyo Hungary, kuwaasi oo ka soo hor jeeday xulafadii (Ingiriiska – Faransiiska – Ruushka).

Dagaalkii 1aad ee Adduunku waxa uu dhamaaday iyada oo Dowladdii Cismaaniyiinta la jebiyay, waxana ka dhashay in ciidamadii xulafada oo ay la socdeen ciidankii Giriiggu ay galaan dhulkii Cismaaniyiinta.

Waxa xilligaas soo baxay abaanduulihii ciidamada Turkiga Mustafa Kemal Atatürk oo isagu hoggaamiyay dagaalladii dib u-xoreynta dalka, waxana uu jebiyay ciidankii Giriigga iyo xulafadii duullaanka soo qaaday sanaddii 1922kii, arrintaas oo magac iyo maamuus aad u weyn uu ku helay.

Sanaddii 1924kii Atatürk waxa uu ku dhawaaqay inuu burriyay khilaafadii Cismaaniyiinta, uuna aas’aasay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxa sidoo kale uu faraha ka qaaday dhammaan dhulalkii aan Turkiga ahayn ee khilaafada hoos tegi jiray, isaga oo saxiixay Heshiiskii la magac baxay Treaty of Lausanne.

Cabdulmajiid-kii 2aad (Abdülmecit II, 1922-1924) waxa uu ahaa khaliifkii ugu dambeeyay khulafadii Muslimiinta, sidaas bayna dowladdii Cismaaniyiintu ku burburtay keddib markii ay jirtay ku dhowaad 600 sano.

DHAMAAD….

W; D: Sabriye Muuse

Hadalsame Media