Taariikhda Boqortooyadii Cismaaniyiinta Turkiga min Qarniyadii ilaa 13-20aad (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 21 Juun 2023 – Taymuur Lank oo isir ahaan Turco-Mongol ahaa, waxa uu boqortooyo awood badan (1370-1405) ka samaystay dhulka hadda loo yaqaan Iran, Afghanistan iyo Aasiyada Dhexe. Halkan ka eeg qaybtii 1-aad…

Sanaddii 1402dii dagaal faraha looga gubtay baa waxa uu Ankara ku dhex maray Baa-Yaziid iyo Taymuur Lank, hase yeeshee dagaalkaas Taymuur Lank baa Cismaaniyiinta kaga guulaystay.

Baa-Yaziid waxa uu kamid noqday maxabiistii dagaalka ee uu Taymuur Lank qabsaday, sidii loo jir dilayay, buuna xabsiga ku dhintay.

Taymuur Lank dib buu uga gurtay maamulkii dowladda Cismaaniyiinta oo burbursan, burburkaasina waxa uu socday muddo dhawr iyo toban sano ah, ilaa uu yimid Muraadkii 2aad.

Muraadkii 2aad (1421-1451) waxaa u suurto gashay inuu dib usoo dhiso dowladdii cismaaniyiinta, dibna usoo celiyo dhammaan dhulalkii looga qabsaday Aasiyada Yar iyo Yurub.

Sanaddii 1444kii Muraadkii 2aad waxa uu iska caabbiyay duullaanno kaga yimid ciidamo is bahaystay oo xoog badan, kana koobnaa dalalka; Hungary , Poland, Serbia iyo Biisandha uuna hoggaaminayey boqorkii Hungary, waxana uu u diiday inay Wabiga Danube soo gudbaan.

Muraadkii 2aad waxa uu inankiisii Maxamedkii 2aad (Mehmed II, 1451-1481) oo lagu naaneysi jiray Maxamed Al-Faatix (Mehmed the Conqueror) uga dhintay ciidan xoog leh oo midaamsan.

Guulihii uu Maxamed Al-Faatix gaaray waxa ugu waynayd in uu sanaddii 1453kii furtay caasimaddii boqortootadii Biizandha, Qustantiiniya (Constantinople = Istanbuul).

Magacii magaalada waxa loo beddelay Islaambuul oo markii dambe loo sii beddelay Istanbuul, kaniisaddii ay magaaladu caanka ku ahayd (Aya Sophia) waxa loo beddelay Masjid. Sidaas bay Istanbuul ku noqotay caasimaddii dowladda Cismaaniyiinta.

Maxamed Al-Faatix intaas kuma aanu hakan eh, dhammaan dhulkii saldanaddii Saljuyqiyiintu at xukumi jirtay maamulkiisa ayuu hoos geeyay.

Suldaan Saliimkii 1aad (Selim I, 1512-1520) xilligiisii waxa u suurto gashay inuu xididdada u siibo dowladdii Safawiyada (Safavid Empire) Iiraan, waxana uu uga guulaystay dagaalkii ka dhacay Chaldiran oo ah goob ku taal xuduudda Turkiga iyo Azerbaijan. Sidoo kale waxa uu qabsaday Masar iyo Shaam (Falanstiine, Lubnaan, Suuriya iyo Jordan) isaga oo Mamaaliigtii ku jebiyay dagaalkii Ridaniya, waxana maxbuus ahaan loo soo qabtay Tuman Bay oo ahaa suldaankii ugu dambeeyay saldanaddii Mamaaliigta (Mamluk Sultanate) ee Masar ka talinaysay.

Isla waqtigaas, shariifkii Makka ayaa furayaashii labada Xaram ee xurmada leh ku wareejiyay Sultaan Saliimkii 1aad, isaga oo sidaasi ku hoos tegay dowladdii Cismaaniyiinta. Sidoo kale, Sultaan Saliim waxa uu qabsaday Beytul-Maqdis keddib markii uu Mamaaliigtii Masar jebiyay.

Sanaddii 1518kii Suldaan Saliimkii 1aad waxa uu noqday Khaliifkii ugu horreeyay muslimiinta oo Cismaaniyiinta kasoo jeeday, keddib markii uu Masar qabsaday, waxana uu caasimaddii khilaafada ka wareejiyay Qaahira, una wareejiyay Istanbuul.

Qaahira waxay marti gelinaysay caasimaddii khilaafada Cabbaasiyiinta, laga soo billaabo markii ay Baghdaad burburtay, waxana marti geliyay mamaaliigtii Masar ka talinaysay.

Keddib markii uu Masar furtay, mamaaliigtiina jebiyay, Sultaan Saliimkii 1aad waxa uu khaliifkii Cabbaasiyiinta Al-Mutawakilkii 3aad ku khasbay in uu khilaafada uga tanaasulo. Sidaas bayna khilaafadii uga baxday gacantii Cabbaasiyiinta uguna wareegtay gacantii Cismaaniyiinta.

Dowladdii Cismaaniyiintu waxay heerkeedii ugu sarraysay gaartay xilligii Sultaan Sulaymaan Qaanuuni (1521-1566) oo uu dhalay Sultaan Saliimkii 1aad, kaas oo Reer Galbeedku ay ku naynaaseen Sulaymaankii Weynaa (Suleiman the Magnificent).

La soco qayb kale…..

W; D: Muuse Sabriye

Hadalsame Media