Maadada ay tahay inaad dhinto si aad uga hagaajiso caafimaadka KELYAHAAGA

0

(Hadalsame) 14 Juun 2023 – SIDEE CUDURKA KELYUHU U SAAMEYN KARAA BAAHIDEYDA KALE EE NAFAQO?

Haddii aad qabtid cudurka kelyaha, buuxinta baahiyahaaga nafaqo ayaa ka fududaan karta sida aad u malaynaysid. Khiyaanadu waxay ku jirtaa helitaanka waxa aad cuni kartid iyo waxa aad ka yareynaysid ama ka saareysid cuntadaada. Aqriso qaybihii hore…

Cunista gabal yar oo borotiin ah, sida digaagga iyo hilibka lo’da, ayaa muhiim ah. Cunto uu ku badan yahay borotiinku waxay sababi kartaa kelyahaagu inay aad u shaqeeyaan. Yaraynta qaadashada borotiinka adiga oo ku tababaranaya xakameynta xaddiga gabalka aad cuneysid ayaa ku caawin karta.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in xaddiga borotiinka aad cuni kartid ay ku xiran tahay heerka cudurka kelyahaaga. La hadal dhaqtarkaaga si aad u ogaatid inta borotiin ah ee ay tahay inaad qaadatid maalin kasta.

Sodium waxay kordhin kartaa harraadka, waxayna kuu horseedi kartaa cabitaan badan, ama waxay keeni kartaa barar jirka ah. Labaduba waa ay u xun yihiin kelyahaaga. Sodium waa maaddo qarsoon oo ku jirta cuntooyin badan oo baakadaysan. Markaas hubi inaad aqrisid lifaaqyada qoraallada ah ee cunnooyinka.

Halkii aad ka isticmaali laheyd cusbo si aad u xawaasheysid raashinkaaga, dooro dhirta iyo xawaashyada kale ee aanay ku jirin sodium ama potassium.

Sidoo kale waxaad u baahan doontaa inaad qaadatid cuntooyinka phosphate ay ku yar tahay. Tani waxay ka hortagi kartaa heerarka phosphorus ee jirkaagu inay aad u sarreeyaan. Haddii heerarkani ay aad u sarreeyaan, waxay sababi kartaa hoos u dhac ku yimaada calcium, taas oo keenta lafuhu inay ku jilcaan.

Waxaad sidoo kale tixgelin kartaa in aad xaddiddid cholesterol iyo wadarta guud ee dufanka. Marka kelyahaagu aysan si wax ku ool ah u shaandheynin, cunista cuntooyinka culus ee ka kooban cholesterol iyo dufan ayaa ku adag jirkaaga. Miisaankaaga dheeriga ah oo ay ugu wacan tahay nafaqo xumo ayaa sidoo kale culeys dheeraad ah saari kara kelyahaaga.

MA KARI KARAA IN AAN MAQAAYAD RAASHIN KA CUNO HADDII AAN QABO CUDURKA KELYAHA?

Waxaa laga yaabaa in bannaanka cuntada laga soo cuno aad ayaamaha hore caqabad kala kulantid, hase yeeshee waxaad ka heli kartaa cunnooyin kelyaha-u-fiican nooc kasta oo cunno ah. Tusaale ahaan, hilib la dubay ama la shiilay iyo kalluunka badda ayaa ah xulasho wanaagsan marka aad wax ka cunaysid maqaayadaha Mareykanka badankooda.

Waxaad sidoo kale dooran kartaa salad halkii aad ka dalban laheyd baradhada shiilan ama shiidan.

Haddii aad gashid maqaayad Talyaani ah, dalbo salad fudud iyo baastada leh maraqa aan yaanyada ku salaysnayn.

Haddii aad cunaysid cuntada Hindida, dalbo curry ama digaagga Tandoori. Hubi in aad iska ilaalisid digirta.

Had iyo jeer codso cunto aan cusbo lagu darin.Dressings iyo sauces yaan lagaaga soo darin ee gooni ha loo keeno. Xakameynta xaddiga aad qaadaneysid waa aalad wax tar leh.

Cunnooyinka dalalka qaarkood, sida kuwa Shiinaha ama Jabbaan, guud ahaan waxa ku badan Sodium. Cunto ka dalbashada maqaayadaha noocan ahi waxay u baahan tahay taxaddar dheeri ah.

Dooro bariis biyo lagu kariyey, halkii aad mid shiilan ka dalban lahayd. Ha ku darin cuntadaada soy sauce, fish sauce, ama wax kasta oo ay ku jirto MSG.

Hilibka la farsameeyay (deli meats) sidoo kale waa cusbo badan yahay, waana in laga fogaado.

XAD AAN LAGA GUDBI KARIN

Haddii aad qabtid cudurka kelyaha, yareynta qaadashada potassium waxay noqon doontaa arrin muhiim u ah nolol maalmeedkaaga. Baahidaada cunto qaadasho way isa sii beddeli kartaa haddii cudurka kelyahaagu uu sii kordho, waxayna u baahan doontaa la socosho joogto ah.

Marka lagu daro la shaqeynta dhakhtarkaaga, waxa aad u baahan kartaa in aad la kulantid nafaqo-yaqaan xagga kelyaha ah. Waxa uu ku barayaa sida loo aqriyo calaamadaha nafaqada, il ku haynta xaddiga aad cuneysid, iyo xitaa in aad sii qorsheysatid cunnooyinka aad cuneysid toddobaad kasta.

Barashada sida wax loogu kariyo xawaashyada kala duwan iyo seasonings ayaa kaa caawin kara in aad yareysid qaadashada raashin cusbo badan leh. Waxyaabaha milixda lagu beddelo badankood waxaa laga sameeyaa ‘potassium’, sidaas darteed waa in aad yaraysid.

Sidoo kale waa in aad dhakhtarkaaga ka hubisid inta biyo aad cabi kartid ama dareere guud aad qaadan kartid maalintii . Dareere aad u badan oo aad cabtid, xitaa biyo, waxa uu dhibayaa kelyahaaga.

DHAMAAD….

W; Q: Sabriye Muuse

Hadalsame Media