“Waa isku day geesinnimo leh!” – Shiinaha oo bilaabay qorshe halis ah oo uu dhulka guntiisa uga qodayo godkii abid ugu dheeraa

0

(Hadalsame) 07 Juun 2023 – Shiinaha ayaa bilaabay qodista ceelka ugu qotada dheer adduunka si ay u darsaan lakabyada gutna hoose ee dhulka

Qodista ceelkan ayaa Talaadadii ka bilowday saxare ku yaal dooxada Tarim ee gobolka Xinjiang ee waqooyi-galbeed ee Shiinaha, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua.

Ceelkan ayaa qotadiisa la qorsheeyey inuu hoos u gaaro ilaa 11,100 mitir, wuxuuna riiggu sii mari doonaa ilaa 10 lakab oo gunta hoose ah iyo taxane dhagxaan fidsan oo soo jirey 145m sano.

Mashruucan ayaa la filayaa in lagu soo gabagabeeyo muddo 457 maalmood ah, waxaana warbaahinta Dowladda Shiinuhu ay ku ammaaneen mid “astaan u ah awoodda sahminta dhulka qotoda dheer ee Shiinaha”.

Tillaabadan ayaa u oggolaanaysa saynisyahannada inay daraasad ku sameeyaan qaab-dhismeedka gudaha iyo horumarinta dhulka, taasoo ay ku bixiyeen xogta cilmi-baarista dhulka, sida ay sheegtay National Petroleum Corporation, oo ah hormuudka saliidda iyo gaaska dalkaasi oo hogaaminaysa mashruucan.

Wang Chunsheng, oo ah khabiir dhanka farsamada ah oo howlgalka ku lug lahaa, ayaa isna ku tilmaamay inay tahay isku day geesinnimo leh oo lagu sahminayo dhulka aan la garanayn ee hoose, si loo ballaariyo xuduudaha fahamka aadanaha.

Si kastaba ha ahaatee, ma noqon doonto wax fudud. “Qaab-dhismaha adag ee qodista dhulka fog ee hoose waxaa la barbar dhigi karaa adigoo baabuur wayn ku kaxaynaya laba fiilo oo khafiif ah dushooda,” ayuu Sun Jinsheng, oo ah saynisyahan ka tirsan Akademiyada Injineerinka Shiinuhu u sheegay Xinhua.

Hadalsame Media