KASHIFAAD: Waa kee dalka uu Ingiriisku fasaxa uga qaato inuu hub siiyo dalka Ukraine?

0

(London) 07 Juun 2023 – Britain wax hub ah uma dirto Ukraine iyada oo aan oggolaansho laga helin Maraykanka, sida ay NBC News werisey. Warbixintu waxa ay hore u sheegtay in London ay aad ugu dheerayso Washington marka ay timaado inay hub culus siiso Kiev sida gantaalaha riddada dheer.

“Dhammaan gargaarka millateri ee [Britain] ee Ukraine la siiyo si dhow ayaa loogala xiriirayey Mareykanka,” ayay NBC qortay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil hore iyo qaar adda shaqeeya oo British ah. Saraakiishan, ayay warbixintu intaa ku dartay, “waxayn sheegeen in UK aysan hub u diri doonin dalkaasi iyada oo aan oggolaansho kaga helin Washington.”

Hadalkani waxa uu soo jeedinayaa in ka caga jiidka muuqda ee saraakiisha Maraykanku ay ku diidan yihiin inay u diraan hubka casriga ah iyo kuwa riddada dheer dalka Ukraine aysan ahayn mid caqli-gal ah.

Tusaale ahaan, Britain waxay ahayd waddankii ugu horreeyey ee ku dhawaaqa keenista taangiyo la siiyo Kiev, go’aankaas oo siiyey Maraykanka iyo awoodaha kale ee reer Galbeedka dabool siyaasadeed si ay iyaguna u siiyaan taangiyo toddobaadyo kaddib.

Warbixintu waxay muujinaysaa in Maraykanku ay ku qanacsan yihiin bixinta taangiyada, ilaa iyo inta ay London tahay midda ugu horreeysa ee tillaabada qaadda, si aan iyaga loo eedayn.

Hadalsame Media