”Waa gardarro” – Maraykanka oo ka qayliyey miig Shiinuhu leeyahay oo si xun u galay diyaarad basaas ah oo ay leeyihiin (Daawo)

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2023 – Diyaarad dagaal oo Shiinees ah ayaa samaysay “hab-dhaqaaq gardaro ah oo aan loo baahnayn” intii lagu guda jirey Qashqashaad ay ku samaysay diyaarad basaas ah oo Maraykanku leeyahay oo ku sugan hawada caalamiga ah ee Koonfurta Shiinaha ama  South China Sea usbuucii hore, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay millateriga Maraykanka shalay.

Diyaaraddan Shiinaha ee J-16 ayaa si toos ah u martay sanka hore ee diyaaradda US RC-135 Rivet Joint ee sahanka 26-kii Maajo, taas oo ku khasabtay diyaaradda Maraykanka in ay ku duusho jawi kacsan oo ka dhashay diyaaradda Shiinaha oo ruxday diyaaradda, sida laga arki karo muuqaal laga duubay dhacdadan ay sii daayeen ciidamada Maraykanku. Halkan ka DAAWO…

RC-135 waxa ay samaynaysey “howlgallo nabdoon misna joogto ah” ka waday hawada caalamiga ah, sida uu ku doodayo Taliska Indo-Pacific ee Maraykanku.

“Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa duulista, shiraacashada, iyo howlgallada – si badbaado leh oo mas’uuliyadi ku jirto – meel kasta oo sharciga caalamiga ahi ogolaado, Ciidanka Wadajirka ah ee Indo-Pacific ee Maraykanka ayaa sii wadi doona inay ku duulaan hawada caalamiga ah iyada oo la tixgelinayo badbaadada dhammaan maraakiibta iyo diyaaradaha  caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay INDOPACOM.

Tillaabadan Shiinaha ayaa kusoo beegantay iyadoo uu xumaaday xiriirka labada dal kaddib safarkii afhayeenkii hore ee Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi ay ku tagtay jasiiradda Taiwan bishii Agoosto ee la soo dhaafay iyo go’aankii Maraykanku uu kusoo riday buufin ”basaas” lagu sheegay oo Shiinees ah oo ka dul maray goobaha xasaasiga ah ee militeriga Maraykanka bishii Febraayo.

Hadalsame Media