Maxay tahay sababta ay madaxda caalamku ugu deg degeen u hambalyaynta Erdogan? (Arrin muhim ah oo jirta)

0

(Ankara) 31 Maajo 2023 – Waxaad ka garan kartaa muhiimadda istiraatijiyadeed ee Turkiga ee caalamiga ah – oo si weyn kor ugu kacayday kaddib dagaalkii Ukraine sida hoggaamiyeyaasha adduunku ugusoo kala baratameen si ay ugu hambalyeeyan Recep Tayyip Erdogan guushiisa doorashada ee habeenkii Axadda.

Waxaa liiskaas hor kacaya Madaxweynaha Ruushka Vladmyr Putin.

Waxa uu aad ugu heellanaa in uu u hambalyeeyo dhiggiisa Turkiga iyo hogaamiyaya sidiisa “adag” isaga oo aan xitaa sugin natiijada rasmiga ah ee codbixinta, kuna tilmaamay “siyaasadda dibadda ee madaxa bannaan ee Mr Erdogan” in ay sabab u ahayd guushiisa.

Waxaan si taxadar leh u eegi karnaa siyaasadda Turkiga ee Ruushka iyo sida gaarka ah ee uu ugu heellanyahay inay sabab u tahay diidmadii Mr Erdogan ee ahayd in uu iska fogeeyo Kremlin-ka kadib markii uu si buuxda u weeraray Ukraine, xitaa iyadoo xulafada Turkiga ee Nato ay cunaqabatayn ku soo rogeen oo ay yareeyeen ku tiirsanaanta tamarta ee Ruushka.

Ganacsiga u dhexeeya Turkiga iyo Ruushka ayaa sidoo kale si aad ah u kordhay tan iyo billowgii dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee waxaa iyadana diirranayd marka lagasoo tago hambalyada Mr Putin ee Axadii tan kale ee Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron.

In kasta oo aanay jeclayn in Mr Erdogan uu dabacsanaado Kremlin-ka iyo dulduleelka xoriyatul qawlka iyo hab-dhaqanka dimuqraadiga ah ee uu dalkiisa ku sameeyay labaatankii sano ee uu xukunka hayay, Turkiga ayaa muhiim u ah iyaga maadaama ay adag tahay oo aan la saadaalin karin xulafada reer galbeedka.

Turkiga ayaa xubin muhiim ah ka ah isbaheysiga militari ee Nato, isagoo ka qeyb qaadanaya dhammaan howlgalladiisa.

Mr Erdogan ayaa laga yaabaa inuu sii wado xiriirka dhow oo uu la leeyahay Ruushka hase yeeshee dhinaca kale waxa uu gargaar militari siiyaa Ukraine.

Waxa uu si cad u dhexdhexaadiyay heshiis uu Ruushku ku soo afjaray xannibaaddii uu ku hayay sahayda haruurka ama qamadiga ee Ukraine, taasoo u oggolaanaysa inay u qulqulaan qaybo ka mid ah adduunka oo iyagu ku tiirsan raashinkan.

sidoo kale waxa uu Erdogan si rasmi ah ugu fasaxay dalka dariska la’ah Ruushka ee Finland in uu ku biiro gaashaanbuurta Nato.

Mr Erdogan oomar ahaan jiray nin si xamaasad leh ugu ololeeya in Turkigu ku biiro Midowga Yurub, ayaa dhowaanahan ka hadlayay “in Turkiga mar kale laga dhigo quwad weyn”.

taasi waxa ay keentay in la yeesho siyaasad dibadeed oo madax bannaan. Sanadihii la soo dhaafay, waxa uu la sameeyay xiriir ganacsi oo heer sare ah dhammaan xulafadiisa.

Aqalka Cad ma qarinin dulqaad la’aanta uu ku doonayo inuu ku qanciyo Mr Erdogan inuu sidoo kale u oggolaado Sweden in ay kusoo biirto Nato.

Sweden ayaa haddii ay kusoo biiri lahayd xulafadan ka dhanka ah Ruushka waxa ay u noqon lahayd dayr, kaga daboolan dhanka badda baltic-ga.

Reer Galbeedku waxa ay rajaynayaan in xaaladda xun ee dhaqaalaha Turkiga iyo suurtagalnimada in Mr Erdogan uu xoogga saaro xasilinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye, ay noqon karto meel uu ka nugul yahay si loogu riixo in uu ogalaado ku biirista Nato ee Sweden.

Turkiga iyo Hungary ayaa ah dalalka kaliya ee gaashaanbuurta Nato ka tirsan ee weli hortaagan xubinnimada Stockholm.

Dhanka kale, Madaxweyne Macron, waxa uu ka walaacsan yahay muhaajiriinta kusoo qulqulaya Midowga Yurub, waxaana uu rajeynayaa inuu ballan qaad degdeg ah ka helo madaxweyne Erdogan.

Biden (midig) iyo Erdogan (bidix)

Qoraalka sawirka, Biden (midig) iyo Erdogan (bidix)

Intii lagu guda jiray qalalaasaha qaxootiga ee sannadki 2015-kii in kabadan hal milyan oo qaxooti iyo magangelyo doon ah oo badi ka yimid Suuriya ayaa socdaal halis ah ku galay badda Mediterranean-ka si ay ugu sii gudbaan Midowga Yurub iyagoo raacaya doonyo dadka tahriibiya.

Brussels ayaa markii dambe heshiis la gashay Turkiga.

Laakiin tirada qaxootiga Suuriya oo sii batay ee ku sugan Turkiga ayaa waxa si aad ah uga xumaaday codbixiyayaasha Turkiga.

Bishan, xisbi kasta oo siyaasadeed oo u tartamaya doorashada baarlamaanka Turkiga wuxuu ballan qaaday inuu qaadi doono tallaabo lagu xallinayo “arrinta muhaajiriinta”.

Midowga Yurub ayaa waxa uu ka carooday rajada laga qabo in qaxootiga uu Turkigu dib ugu celiyo Suuriya oo khatar ku ah ammaankooda iyo in Turkigu u oggolaado dadka wax tahriibiya in ay mar kale xukun xor ah u soo diraan doonyaha magangelyo doonka iyo muhaajiriinta kale ee mara badda Mediterranean-ka.

Brussels waxa ay sidoo kale ku jirtaa difaac iyada oo xubin ka ah Midowga Yurub ee Giriiga ay ku lug leedahay tiro khilaafaad ah, halka xubinta EU-da ee Qubrus ay weli sii xumaanayso ka dib markii Mr Erdogan uu ku baaqay xal laba waddan ah waa Giriig iyo Turki muddo tobanaan sano ah. Kala qaybsanaan dheer oo halkaas ka dhacday kadib duullaankii Turkiga ku dhawaad ​​50 sano ka hor.

Reer galbeedku waxa ay ku sifayn jireen muhiimada istiraatijiyadeed ee Turkiga in ay tahay buundada isku xirta Yurub iyo bariga dhexe laakiin duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa wax ka bedelay maqaamkii Turkiga.

Dad badan ayaa la yaabay siyaasadda arrimaha dibadda ee waaweyn in uu la yimid Mr Erdogan isagoo galaya muddo xileed kale.

BBC

Hadalsame Media