Kursiga Golaha Degaanka ee xaafadda 10-aad ee Minneapolis – Nasri iyo Aisha

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2023 – Todobaadyadii la soo dhaafay waxa soo shaac baxay eedeymo ka imaanayey taageerayaasha Nasri Warsame oo doonaya inuu u tartamo golaha deegaanka ee xaafadda 10aad ee magaalada Minneapolis.

Xaafaddaas waxay caan ku tahay suuqa ugu weyn ee Soomaalida gobolkaas deggan oo ah suuqa Karmel.

Laakinse taageerayaasha Nasri waxay tirsanayaan in Ilhaan Cumar oo ah gabar xubin ka ah aqalka Koongareeska Maraykanka, miisaan culusna ku leh siyaasadda aysan taageerin.

Qormadan waxaan ku eegeynaa arrimaha ka taagan tartanka xaafadda 10aad ee Minneapolis.

Nasri Warsame

Nasri Warsame

Qoraalka sawirka, Nasri Warsame

Nasri Warsame waa nin ku cusub siyaasadda, wuxuuna muddo ka mid ahaa dadka rayidka ah ee booliska la shaqeeya (Community Police), isagoo ka hawlgali jiray garoonka dayaaradaha ee Minneapolis/St Paul.

Wuxuu musharraxnimadiisa ku dhawaaqay 7dii Maajo oo ahayd dhowr todobaad ka hor uun, wuxuuna doonayey in uu ku tartamo magaca xisbiga dimoqraadiga, isagoo u tartamaya xaafadda 10aad ee Minneapolis.

Caadiyan marka uu qof doonayo inuu magac xisbi ku tartamo waxaa muhiim ah inuu helo kalsoonida ergooyinka xisbiga, kuwaasoo u igamada qofka musharraxa ah inuu tartamo, isla markaana taageero siiya.

Wararka ay BBCdu heleyso ayaa sheegaya in ergooyinka xisbiga dimoqaraadiga aysan Nasri Warsame siinin kalsooni uu magaca xisbiga ku tartami karo.

Aisha Chughtai

Aisha Chughtai

XIGASHADA SAWIRKA,AISHA CAMPAIGN

Aisha waa gabadha ku fadhida kursiga golaha deegaanka ee xaafadda 10aad ee Minneapolis. Waxay ku guulaysatay 2021, waxaana xilligaas kalsooni siiyey ergooyinka xisbiga Dimoqaqraaddiga.

Ka sokow kalsoonidaas, waxay kaloo haysatay taageerada Ilhaan Cumar oo hadda xubin ka ah Koongareeska.

Aisha waxay ahayd madaxii ololaha Ilhaan markii ay ku guulaysanaysay aqalka wakiillada Minnesota2017, waxayna marki dambe qayb ka noqotay guddigii ololaha Ilhaan ee Kongareeska ay ku soo gashay 2019.

Waa gabar ay saaxiibbo siyaasadeed yihiin Ilhaan, horena u haysatay kalsoonideeda. Waxay kaloo ka wada tirsan yihiin kudladda horu-socodka ee xisbiga dimoqaraadiga (progressive democrats). Waxay iskula jiraan kudladaas musharrixii hore ee madaxtinimada Maraykanka Bernie Sanders iyo Keith Ellison oo hore aqalka wakiillada Maraykanka ugu matali jiray gobolka Minnesota, haatanna ah xeer ilaaliyaha gobolka.

Tartanka xaafadda 10aad ee Minneapolis

Taageeraayaasha Nasri waxay aaminsan yihiin in Ilhaan Cumar ay uga hiillisay Aisha.

Aisha waxay ka mid tahay dadka rajada weyn ka qaba inay kursiga ku guulaystaan, waxayna noqonaysaa markii labaad ee ay kursigaas ku soo baxdo haddii la doorto. Xisbiga dimoqraadiga ilaa hadda wax kalsooni ah ma siinin Aisha iyo Nasri labadaba.

“Maalintii uu xisbiga kalsoonida siin lahaa qofka magaca dimoqraadiga ku tartamaya ayuu buuq dhacay, ka dibna meesha ayaa la xiray. Bisha 30keeda ayuu golaha dhexe ee aan ka midka ahay u codayn doonaa cidda helaysa kalsoonida xisbiga, waana fallaartii cirka loo ganay” ayuu yiri Maxamed Maxamuud (Boosaaso) oo xubin ka ah golaha dhexe ee xisbiga dimoqraadiga ee gobolka Minnesota, horena u ahaa madaxii arrimaha Afrikada Bari u qaabilsanaa olalaha madaxtinimada ee Joe Biden.

Golaha dhexe ayaa ka kooban 50 xubnood.

Ilhan oo la ololeynaysa Aisha

Qoraalka sawirka, Ilhan oo la ololeynaysa Aisha

Ilhaan iyo taageerada Soomaalida

Ma aha markii ugu horreysay ee Ilhaan Cumar ay mowqif ka qaadato siyaasiyiinta Soomaalida iyo dadka kale ee ay wada tartamayaan.

Sannadkii 2017 ayaa xaafadda 9aad waxaa ku wada tartamay Alondra Cano oo ah gabar Dimoqraadiga ka tirsan iyo Maxamed Faarax oo wiil Soomaali ah. Ilhan waxay xilligaa taageertay Alondra Cano.

Sannadkii 2021 waxaa isla kursigaas u tartamay Yuusuf Xaaji iyo 8 qof oo kale, waxayna Ilhaan taageeraysay ninkii kursiga ku guulaystay oo ah Jason Chavez oo isna ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga.

Doodda hadda taagan ayaa ah in hiilkii Soomaalinimo ee ay taageerayaasha Nasri ka doonayeen Ilhaan aysan ka helin.

BBC waxay isku dayday inay macluumaad dheeraad ah ka hesho xafiisyada ololaha Nasri, Aisha iyo Ilhan Cumar, hase yeeshee uma suurto gelin.

BBC

Hadalsame Media