Maraykanka oo sheegay inay burburiyeen ”hubkii ay Uganda ka furteen” kooxda Al Shabaabku

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2023 – Maraykanka ayaa sheegay inay duqayn cirka ah ku laayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab Jimcihii lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay Taliska Maraykanka ee Afrika.

Duqaynta ayaa lagu burburiyey hub iyo qalab “si sharci darro ah ay u qaateen dagaalyahannada Al-Shabaab,” ayuu yiri Taliska Maraykanka ee Afrika Sabtigii shalay, sida ay haatan qorayso VOA. Talisku ma sheegin halka laga soo xaday hubka iyo qalabkan.

Yeelkeede, Duqaynta ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabku, sida uu talisku sheegay, waxa ay ka dhacday meel ku dhow saldhigga howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Buulo Mareer, waxayna u badan tahay in la burburiyey hubkii ay qaateen kooxdu.

Talisku waxa uu sheegay in duqayntan ay ku taageereen Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Kala-guurka ah ee Midowga Afrika ee ATMIS.

Taliska ayaa sheegay in qiimaynta hirdhaca ah ee ay ku sameeyeen howlgalkaasi duqaynta ah aan lagu helin wax khasaar e ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Hadalsame Media