XEELAD CULUS: Laba SABABOOD oo ugu waawayn ee ay N&N u taageereen doorashada Puntland (Hal xeelad oo wayn oo ku jirta)

0

(Muqdisho) 25 Maajo 2023 – Madaxwaynihii 9-aad ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Talaadadii markii ugu horeysay ka hadlay arrimaha Doorashooyinka golayaasha degmooyinka Puntland.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Puntland iyo dadka codkooda dhiibanaya, wuxuuna kusifeeyey talaabo wanaagsan.

“Ugu horreeyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda.”

Maantana, RW hore ee DF Somalia, Xasan C Khayrre, ayaa soo dhoweeyey doorashada dadwaynaha Puntland oo uu ku tilmaamay “mid taariikhi ah.”

“Waxaan hambalyo u diraya guud ahaan shacab-weynaha Soomaaliyeed ee reer Puntland, si gaar ahna waxaan u boggaadinayaa guddiga doorashada, xisbiyada iyo maamulka oo ka dhabeeyay in muwaadiniintu helaan xaqooda dastuuriga ah ee dhigaya in ay doortaan madaxdooda si loo helo hoggaan tayo leh, lala xisaabtami karo, kuna yimid rabitaanka bulshada.

Haddaba, dad badan ayaa isku raacsan in labadan siyaasi oo udub dhexaad u ahaa nidaamkii Nabad & Nolol ay laba ujeeddo oo waawayn ka leeyihiin taageeradan aan horay looga baran ee ay haatan u muujiyeen MW Deni oo ay si wayn u coltamayeen markii ay xilka joogeen.

1 – BOOS QAADASHO SIYAASADEED – Maadaama nidaamka haatan ugu sarreeya DF Somalia, gaar ahaan qaybta xukuumadda, aanay isku fiicnayn isla Siciid Deni, waxay qaab ku xumayn ah u taageereen qorshahan uu keenay ee doorashada dadwayne wax noqonaya siyaasadda Somalia ee ”halka hebel taagan yahay cagsigeeda ii cabbir.”

2 – ISKA DHAADHICINTA TAAGEERO SHACAB – Waxyaabaha ay madaxda N&N ku tookhaan waxaa ka mid ah inay haystaan taageero shacab oo haddii maanta doorasho la rito ay iyagu heli karaan aqlabiyadda codadka dadwaynaha.

Sidaa darteed, waxay iska raarideen inay halkan fursadi ku jirto oo haddii ay taageeraan bilowga doorasho dadwayne oo aan dalka ka qabsoomin tan iyo bartamihii 60-meeyadii inay taasi dhali karto in marka dambe dalka oo idil looga qabto heer Federaal, taasoo, sida ay iyagu qabaan, la ah inay ku guulaysan karaan codad shacbawi ah.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media