DAAWO: Iiraan oo samaysatay gantaal baalistig ah oo raadaarka ka dhuunta (Masaafo aad u dheer oo uu ….)

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2023 – Dalka Iran ayaa soo bandhigtay gantaal cusub oo lagu magacaabo ‘Kheibar’ kaas oo la sheegay in uu ku dhacay masaafo ka badan 1,200 oo mayl (2,000 oo kilomitir) wuxuuna siday madax dhan 1.5 tan.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay warbaahinta Dowladda Iran ee IRNA, gantaalkani waxa uu u baahan yahay waqti yar marka loo diyaar garoobayo rididdiisa, taas oo la macno ah in loo isticmaali karo hub istiraatiji ah ahaan sida nukliyeerka iyo mid taatiko labadaba.

Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Mohammad Reza Ashtiani, oo goobjoog ka ahaa xafladda daah-furka maanta oo Khamiis ah, ayaa sheegay in gantaalku uu yahay natiijada dadaal sannado ah oo ay wadeen Hay’addooda Aerospace Industries Organization (AIO).

Sarkaalka ayaa sidoo kale xusay in gantaalka ‘Kheibar’ uu dhinac mari karo difaacyada hawada cadawga taas oo ay ugu wacan tahay qalab raadaarka ka dhuunta oo ku rakiban.

Hadalsame Media