Somalia oo loo tababarayo loona qalabanayno Ciidamada Badda + Qorshaha

0

(Muqdisho) 23 Maajo 2023 – 15 ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa loosoo gaba gabeeyey tababar gaar ah oo ku saabsanaa ammaanka badda, iyadoo ay iska kaashadeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Howlgalka TayAynta Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Koorsadan oo socotEy muddo laba toddobaad ah, oo ay ku jireen CASHARRO aragtiyo iyo ficilba leh, ayaa ujeeddadoodu ahayd in Soomaaliya laga caawiyo ilaalinta xeebaha ugu dheer Afrika kahor inta aan la dhimin 2,000 oo askari oo ATMIS ah marka la gaaro 30-ka Juun 2023.

“Tababarkan dib-u-cusboonaysiinta ah waxa uu waafaqsan yahay himilooyinka la higsanayo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ee waajibaadka ATMIS, gaar ahaan marka la eego la-talinta iyo tayaynta hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada,” ayuu yiri Jeneraal Peter Muteti, ATMIS. Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka u qaabilsan Taageerada iyo Saadka.

Muteti oo hadal ka jeediyey xafladdii lagu soo xirayey tababarka ayaa sheegay inay guul wayn u tahay dadaallada socda ee lagu dhisayo hay’ado Soomaaliyeed oo tayo leh, si loogu diyaargaroobo in si tartiib-tartiib ah ay mas’uuliyadda amniga ugu wareegaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya (SSF) iyagoo la jaanqaadaya qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey (UNSCR) ee 2628 iyo 2670.

Soomaaliya oo ay ku taal xeebta ugu dheer Afrika, dhererkeeduna uu dhan yahay ilaa 3,300 oo kilomitir, islamarkaana qani ku ah khayraadka badda, waxaa inta badan ka faa’idaystey kalluumeysi sharci darro ah iyo mukhalasiin waxayna u baahan doontaa ciidan badeed si fiican u tababaran oo qalabaysan si loo hubiyo in dalku si buuxda uga faa’iidaysan karo ‘dhaqaalaha buluugga ah’.

Saraakiisha oo tababarka iyagu sii bixin doona ayaa waxaa la baray koorsooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin badqabka badda, makaanikada badda, waajibaadka ilaalinta xeebaha, sharciga badda, gargaarka deg degga ah, iyo hababka isgaarsiinta iyo kuwo kale.

Hadalsame Media