Erdogan oo usii dhowaanaya kursiga Madaxtooyada & Hal arrin oo ceeb ku ah oo uu sameeyey

0

(Ankara) 22 Maajo 2023 – War la yaab leh ayaa sheegaya in Sinan Oğan oo ah musharraxa ku guulaystey booska saddexaad ee tartanka madaxtinimada Turkiga ee sida wayn wareegga 2-aad loo wada sugayo, uu ka dhawaajiyey mowqifkiisa doorashada ku celiska ah ee soo socota.

Wuxuu shaaca ka qaaday inuu taageerayo Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan wareegga ugu dambeeya ee codbixinta, oo loo qorsheeyey in ay dhacdo maalinta Axada ah ee soo aaddan.

Isagoo la hadlayey suxufiyiinta Isniintii, Oğan wuxuu yiri: “Waxaan caddaynayaa inaan taageeri doono musharraxa isbahaysiga dadka, Recep Tayyip Erdoğan wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada.”

Isaga oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay ku taageeraan Edogan doorashada labaad, waxa uu yiri “Waxaan yeelannay wada tashiyo kala duwan kahor inta aan la gaarin go’aanka ugu dambeeya, waxa aanu qaadannay go’aankan, sababtoo ah waxa aanu rumaysan nahay in go’aankeenu yahay go’aan sax ah oo dalkeenna iyo qarankaba dan u ah”.

Iyadoo doorashada Turkigu ay noqotay tartan adag oo ay khasab noqotay inay u soo gudubto wareegga labaad, go’aanka Oğan ee ah inuu taageeradiisa siiyey Erdogan ayaa saamayn wayn ku yeelan kara natiijada.

Maadaama uu yahay garabka midig ama wax loo arko xisbi cunsuri ah, taageerada Oğan waxay xambaarsan tahay miisaan culus, taasoo suurtogal ay tahay inay u leexiso fikradaha cod-bixiyayaasha waddaniga ah dhanka Erdogan.

Malaayiin codbixiyeyaal ah ayaa u dareeray goobaha codbixinta 14-kii Maajo si ay u doortaan madaxwaynaha dalka iyo xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 600 oo kursi.

Lama faahfaahin waxa ay ku heshiiyeen laakiin ninkani wuxuu wataa 2 ajende oo kala ah in lala dagaallamo PKK iyo in dalka laga cayriyo qaxootiga.

Lama oga inuu Erdogan cayrin doono qaxootiga Muslimiinta ah ee uu soo dhoweeyey.

Hadalsame Media