Turkiga oo sheegay in Somalia laga helay shidaal ka dhigi doona dalka ugu saliidda badan Afrika (Saamayn uu ku leeyahay dagaalka Ukraine)

0

(Muqdisho) 17 Maajo 2023 – Somalia ayaa laga helay 30 bilyan oo fuusto oo kayd shidaal ah, sida lagu sheegay daraasado sahmin ah oo hordhac ah, kaaga darane shidaalka intaa la’eg waxaa laga helay dhul aad u kooban, sida ay qorayso Wakaaladda Wararka Turkiga ee AA.

Waxay u muuqataa in 30-kan bilyan ee fuusto ee kayd shidaal ah oo qur ihi ay gebi ahaanba wax ka bedeli doonto wejiga Soomaaliya, gaar ahaan maadaama kaydkaasi uu saddex jeer ka badan yahay kaydka saliideed ee Aljeeriya, oo kaalinta saddexaad uga jirta Afrika marka laga reebo Liibiya iyo Nigeria.

Tani waxay ka dhigan tahay in haddii la wada sahmiyo ay Somalia gelayso kaalinta koowaad.

Soomaaliya waxay ku jirtaa marxalad taariikhi ah, kaddib markii ay soo jiidatay xiisaha shirkadaha caalamiga ah ee sahminta shidaalka, gaar ahaan baloogyada ku yaal dalkan oo leh xeebaha ugu dheer Afrika, ee ku hareeraysan Badwaynta Hindiya, Badda Carabta iyo Gacanka Cadmeed.

Waxay sidoo kale Somalia ku taal marin badeedka ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah ee Aasiya iyo Yurub, sida ay qirtay AA.

Shidaalka iyo Gaaska laga helay Bariga Afrika, gaar ahaan Mozambique iyo Tanzania, iyo raadadkii ka dhashay dagaalkii Ruushka ee Ukraine, ayaa keenay in shirkadaha reer Galbeedka iyo Aasiya ay mar kale dib ugusoo laabtaan si ay maalgashi ugu sameeyaan Soomaaliya.

Waxaa sii dhiirrigeliyey sanad kahor in si nabdoon xukunka dalka loogu kala wareegey, guulihii ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dhaq-dhaqaaqa ay argagixisada kula dirirayaan iyo xoraynta deegaanno badan oo ku yaala bartamaha dalka oo ay Shabaabku haysteen, iyagoo garab ka helaya qabiilo iyo wadamo saaxiibbo ah iyo u diyaar garowga wareegga labaad oo lagu xoraynayo labada gobol ee konfureed, iyadoo taageero ka helaysa wadamada dariska ah, waa tilaabooyin kor u qaadaya kalsoonida shirkadaha shisheeye.

Hadalsame Media