Kaddib final-ka Inter Milan vs Man City, sidee ayay u kala final badan yihiin horyaallada waawayn ee Yurub?

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2023 – Kooxda Man City ayaa usoo baxday dhamaadka CL kaddib markii ay isugayn ahaan 5-1 dirtay kooxdii difaacanaysey ee Real Madrid oo ay lugtii hore 1-1 isla dhaafi waayeen.

Kooxda City ayaa Istanbul kula ballantay kooxda Inter Milan oo iyana isugayn ahaan 3-0 iskaga reebtay kooxda ay deriska yihiin ee AC Milan, waxayna labadan kooxi is arkayaan 10-ka bisha Juun ee soo aaddan.

Haddaba, aynu eegno sida ay u kala final badan yihiin horyaallada qaaradda Yurub kaddib natiijadan:

Waxaa ugu sarreeya dalka Spain oo leh 30 final, waxaa 2-aad ku jira Horyaalka Serie A oo maraya 28 final, halka kaalinta 3-aad uu ku jiro horyaalka Ingiriiska oo maraya 25 final.

Halkan hoose ka eeg taxa oo dhamaystiran.

Hadalsame Media