Ruushka oo MiG-35 ku rakibay raadaar 126 km ka arki kara diyaarad uu Maraykanku kaligii haysto

0

(Moscow) 16 Maajo 2023 – Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, wax soo saarka ballaaran ee diyaaradda dagaalka ee Ruushka ee MiG-35 ayaa si isa soo taraysa loogu sheegayey warbaahinta Ruushka.

MiG-35 dhab ahaantii waxay Ruushka u leedahay faa’iidooyin badan. Marka hore, way fududahay in la waafajiyo xaalad kasta oo cusub oo diyaarad la casriyeeyn karo, haatanna waxaa lagu rakibay raadaar meel fog ka arkaya xitaa diyaaradaha raadaarka ka dhuunta ee Maraykanka.

Diyaaraddan ayaa waxaa lagu qalabayn doonaa raadaarka elektaroonigga ah ee [AESA] Zhuk-AM.

zhuk aesa radar
Photo credit: Aviation Week

Sida ay sheegayaan wararka qaar, diyaaraddan ayaa awood u leh inay ka aragto bartilmaameed kasta oo leh bed fidsan wax ku dhow 5 m² ama 5 mitir oo jibbaaran masaafo dhan 225 km.

Tani waxay ka dhigan tahay in diyaaradda F-22 oo EPR ahaan bedkeedu yahay 0.5 m² uu miigga F-35 KU ARKI DOONO raadaarkiisa marka ay jirto masaafo fogaanteedu dhan yahay 80 mayl (126 km).

Halka “diyaaradaha” da’da wayn sida F-15, F-16, F-18 oo aan lahayn tiknolojiyadaha raadaarka ka qariya diyaaradaha, iyagu ay kasoo muuqan doonaan marka ay jiraan fogaan dhan 200 km.

Maraykanka ayaa sida uu ugu dhaarto diyaaraddan Lockheed Martin F-22 Raptor xitaa u diidey inuu ka iibiyo dalalka xulafada dhow la ah iyo guud ahaanba dunida inteeda kale.

F-35 To F-22: Can We Talk? Finally, The Answer Is Yes - Breaking Defense

Hadalsame Media