”Waa xaalad dhib badan” – Dood ka taagan tareen u socdey Viena oo laga shiday khudbadihii Hitler (Daawo)

0

(Hadalsame) 16 Maajo 2023 – Hay’adda Tareenada ee Austria ayaa baxar ku jirta kaddib markii rakaabkii tareenka loo shiday khudbaddii Hitler, gaar ahaan samiicadaha khadka isku xira Bregenz ilaa Vienna.

Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa waxaa barta Twitter-ka ku wadaagay xildhibaanka degaanka cagaaran David Stogmuller, kaas oo markaasi tareenka saarnaa.

Farriimaha la gudbinayey ayaa markii hore ahaa “gebi ahaanba kuwo aan dhib lahayn” iyo xitaa “qaar maad ah,” kahor intaysan si lama filaan ah ugu wareejin khudbaddii Hitler. Fiidiyowga uu faafiyey xildhibaanka ayaa xitaa laga maqlayaa salaantiisii “Sieg Heil”.

“Marka hore waxay ahayd wax aan macno lahayn, xitaa waxyaabo qosol leh iyadoo si lama filaan ah isugu rogtey khudbaddii Hitler. Waxay arrin aad u dhib badan. Kaaliyaha tareenku ma garanayn waxa uu sameeyo.” ayuu Stogmuller soo qoray.

Khadadka Tareennada Federaalka ee Austria (OBB) ayaa qirtay arrintan, iyadoo sheegtay inay ka warqabto “ogaysiisyadan dhibaalka leh” halka “si cad iskaga fogaysey” lafteedu nuxurka farriimaha la faafiyey.

Wakaaladda OBB ayaa waxay ballanqaaday inay u heli doono sababta keentay “ciladahan farsamada” sida ugu dhaqsaha badan.

Hadalsame Media