“Waxay dhaafeen khad kasta oo cas” – Waa maxay gantaalka ay UK siinayso Ukraine ee uu Ruushku aad uga xanaaqay? + Sawirro

0

(Moscow) 13 Maajo 2023 – Go’aanka ay London ku gaartay inay Kiev siiso gantaalaja riddada dheer ee kuruuska ayaa ah tillaabo kale oo loo qaaday dhanka “uga darid xaalad halis ah” oo ah colaadda Ukraine, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa sidaa bayaan ku sheegtay.

Wasaaraddu waxay tillaabadan ku tilmaantay “mid cadowtooyo leh” oo ka timid dhinaca UK, taas oo muujinaysa heerka aan hore loo arag ee London ee ku lug lahaanshaha khilaafka Ukraine.

“Markii ay horay ula baxsadeen khaladaad siyaasadeed… UK waxay u muuqataa inay diyaar u tahay inay ka gudubto khad kasta oo cas oo ay colaadda gaarsiiso heer cusub marka ay timaado burburka iyo khasaaraha,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Ruushku waxa uu xaq u leeyahay in uu qaado tillaabo kasta oo loo arko inay lagama maarmaan tahay si looga takhaluso khatarta ka iman karta isticmaalka Ukraine ee gantaalaha maraakiibta ee British-sameega ah,” ayay Wasaaraddu tiri, iyada oo intaa ku dartay in kuwa ka dambeeya “tillaabadan taxaddar la’aanta ah ee qar iska xoorka ah” iyo “dhaqdhaqaaqyada wax burburinaya ee London” guud ahaan lagu eedayn doono cawaaqibka.

Khamiista, UK waxay xaqiijisay inay dhowr gantaal oo ah nooca loo yaqaan Storm Shadow ee kuruuska ah ku wareejinayso Ciidanka Daafaca Cirka Ukraine.

Hubkani wuxuu duqayn karaa bartilmaameedyo jira 250km (155 mayl). Xoghayaha Difaaca, Ben Wallace, ayaa ku tilmaamay “jawaab la jaan-qaadaysa” xaaladda Ukraine oo ay London qaadday.

Hadalsame Media