Neymar oo u xirxiran horyaalka EPL & Laba kooxood oo durba lala xiriirinayo

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2023 – Go’aanka PSG ay ku fasaxayso Neymar ayaa yimid kaddib fasal kale oo buuq badan. Xiddigga reer Brazil ayaa lagu soo warramayaa in uu si xun u weeraray saaxiibadiis Vitinha iyo Hugo Ekitike kaddib guuldaradii 3-1 ahayd ee ka soo gaartrey kooxda AS Monaco sidoo kale waxa ay isku dhaceen la-taliyaha dhanka ciyaaraha ee Luis Campos.

Neymar ayaa intaas kaddib waxaa soo gaaray dhaawac canqowga ah kaas oo u baahnaa qalliin waxaana la filayaa in uu garoomada ka maqnaado ilaa bisha Juun taas oo la macno ah inuu horay u ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee kooxda PSG.

Taageerayaasha PSG ayaa mar hore si cad u sheegay inay ku farxi doonaan inay arkaan Neymar oo ka tegaya kooxdooda, weloba sida ugu dhakhsaha badan.

Taageerayaasha ayaa ku qeylinayey “Neymar naga tag” kaddib dibadbaxyo caraysan oo ka dhacay xarunta kooxda sidoo kale waxay isugu soo baxeen bannaanka gurigiisa, iyagoo ugu baaqaya inuu ka tago kooxda.

MAXAA XIGA? Tababaraha Newcastle ee Eddie Howe ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in kooxdiisu ay u dhaqaaqi karto saxixa Neymar, halka Manchester United loo saadaaliyo inay u dhaqaaqi doonto xiddigga reer Brazil hadii la dhamaystiro la wareegidda Qadariyiinta kharashka haysta.

Hadalsame Media