”Weli xor ma nihin” – Dal sheegay inuu weli gumaysi ugu jiro dalka Ingiriiska & Tillaabo uu qaadayo

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2023 – Ra’iisul wasaaraha St Kitts iyo Nevis ayaa sheegay in waddankiisu “aanu xor ahayn” ilaa iyo inta Boqorka Britain Charles III uu sii ahaanayo madaxa jasiiraddan dhacda bariga Caribbean-ka.

Terrance Drew ayaa sidoo kale soo dhoweeyay warkii ay Buckingham Palace dhowaan ku dhawaaqday ee ahaa inay ka shaqayn doonto daraasad madaxbannaan oo ku saabsan doorka taariikheed ee Boqortooyada Ingiriiska ee ka ganacsiga addoonsiga ka tallaabayey Badwaynta Atlaantigga.

“Madaxa qaranku weli waxa uu ku nool yahay Boqortooyada Ingriiska, sidaas awgeedna weli xor ma nihin,” ayuu Drew u sheegay BBC oo faallooyinkiisa daabacday Isniintii, laba maalmood uun kaddib xafladdii Caana-shubka boqor Charles ee London.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in uu miiska soo saari doono wadahadallo ku saabsan in qarankan Caribbean-ku uu u codeynayo inuu noqdo jamhuuriyad inta uu isagu xilka hayo.

Drew’s comments come one month after Buckingham Palace revealed that it was to cooperate with an independent inquiry conducted by the University of Manchester into the Palace’s historic links to the slave trade between the 16th and 19th centuries.

Faallooyinka Drew ayaa yimid hal bil uun kaddib markii Buckingham Palace ay shaaca ka qaadday inay la shaqaynayso baaritaan madaxbannaan oo ay samaysay Jaamacadda Manchester taasoo ku saabsan xiriirka taariikhiga ah ee ka ganacsiga addoonsiga intii u dhaxaysey qarniyadii 16-aad ilaa 19-aad.

Hadalsame Media