Safaaradda Somalia ee Suudaan oo weli raadinaysa dadka ku haray dalkaasi & Lambarka aad ka wici karto

0

(Khartuum) 08 Maajo 2023 –  DF Somalia ayaa markale u baaqday Soomaalida weli ku go’doonsan ama ku hartay dalka Suudaan oo ay ka qarxeen dagaallo sokeeye, halkaasoo ay horay dad uga soo daadguraysay.

Ogaysiis ku aaddan sida ay ula soo xiriir karaan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, ayaa dadka aan weli halkaa ka bixin waxaa loo far muuqay telefoon ay kala xiriiri karaan Safaaradda.

“OGEYSIIS, Salaan kadib, Waxaan idinku wargelineeynaa Walaal yaal haduu jiro qof muwaadin Soomaaliyeed ah oo weli aan ka soo bixin Magaalada Khartoum ee degaalka ka socdo waxaan idinka codsaneeynaa in uu nagala soo xiriiro telkaan 090 009 7633 ama barteena facbook si aan uga soo saarno halkaasi, Fadlan idinkoo mahadsan is gaarsiiya,” ayaa lagu baahiyey bayaan kasoo baxay Safaaradda Khartuum.

”Tan kale Alxamdulillaah, Waa ilaaheey mahadiis in dadkii inta badan ay kasoo baxeen oo weliba intoodii badan gaareen wadankoodi hooyo taasina waa dadaalkii Hay’adaha kala duwan ee Xumuumada Danqaran gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Dibedda.” ayaa la raaciyey.

Hadalsame Media