CASHAR NOLOLEED: ”Hilibkiiba adiga oo aan dhadhamin ayaad cusbo ku dartay” – Maxaa kala qabsaday Henry Ford & Niman shaqo doon ahaa

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2023 – Waxa la weriyay in sancayahankii Maraykanka ahaa Henry Ford (1863-1946) uu doonay in uu shirkaddiisa Ford Motor Company jago ka bannaanayd qof u magacaabo.

Dadkii araajida soo qortay waxa uu ka dhex xushay laba nin oo isku jaamacad ka baxay iskuna takhasus ahaa. Labadii nin buu ugu yeeray inay makhaayad u raacaan oo la soo casheeyaan.

Cashadii markii la cunay, maqaayaddiina laga baxay, Ford waxa uu labadii nin midkood ku yiri: “Jagadii bannaanayd adiga ayaan kuu magacaabay”. Inta uu kii kale ku jeestay, waxa uu ku yiri: “Waxa aan ka cudur daaranayaa in aadan kooxdeenna ka mid noqon doonin”.

Ninkii la diiday baa inta uu geesinnimo iska baaray, odaygii ku yiri: “Mudane Ford, su’aal ma ku waydiin karaa?”

Ford waxa uu yiri: “Haa”.

Ninkii waxa uu yiri: “Annagu kama aannaan sheekaysan injineeriyad, gawaari iyo jaamacad midna. Waxa aannu haysannay sheeko guud. Haddaba, maxaa saaxibkay lagu qaatay, anigana la igu diiday?”

Ford waxa uu yiri: “Laba sababood:

* Saaxiibkaa cadkii hilibka ahaa inta uu dhadhamiyay, buu dabadeed cusbo ku darsaday, adiguse cusbo ayaad ku darsatay adiga oo aan dhadhamin. Waxa aan jeclahay dadka wax kasta inta aanay wax ka beddelin marka hore tijaabiya.

* Saaxibkaa si asluub leh buu ula dhaqmayay adeegihii raashinka inoo keenay. Waxa uu adeegsanayay erayo ay ka mid yihiin: Mahadsanid iyo raalli ahow, halka adiga adeeguhu aanuba kuu muuqan. Aniga uun baad si asluub leh iila dhaqmaysay. Qofka hoggaamiyaha wanaagsan ah ee doonaya in uu shaqadiisa raad fiican ku reebo waa in uu dadka oo dhan si biniaaadannimo ah ula dhaqmo.

Cibrada qisada ku jirtaa waa in qofka dhaqamadiisa yar yari ay ka tarjumi karaan lagana aqrisan karo qaabkii uu u dhaqmi lahaa haddii mas’uuliyad mug leh loo dhiibo.

W; D: Sabriye Muuse

Mail: moqokori@gmail.com

Hadalsame Media