Pep Guardiola oo la sheegay in laga inkaaray inuu Champions League la qaado kooxda Man City (Hadda maxaa is bedeley?)

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2023 – Wakiilka Yaya Toure ee Dimitri Seluk ayaa sheegay in iminka la dhaafay habaar ay mar ku rideen ‘sixirroolayaal Afrikaan ah’ kuwaasoo Pep Guardiola tababarahan ku inkaaray inuusan ku guulaysan Champions League.

Habaarkani wuxuu sida la sheegay ka dhashay xiriirka Toure iyo Guardiola oo sii xumaanayey xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ee laacibka Ivory Coast, kaasoo kaliya hal kulan oo Premier League lagu soo bilaabay intii lagu jirey fasal-ciyaareedkii Manchester City ee 2017/18.

Waqtigaas, Toure wuxuu u sheegay France Football in maamulaha reer Catalan uu sameeyey ‘wax walba si uu u xumeeyo [xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ee kooxda]’ wuxuuna is waydiiyay daacadnimada Guardiola ee safidda ciyaartooyda Afrikaanka ah.

“Maalinta uu soo safo koox ay ku jiraan 5 Afrikaan ah, waxaan u ballanqaadayaa inaan u diri doono doolshe haddiyad ah” ayuu yiri ciyaaryahanku, iyadoo ay xitaa dhacay in naadigu uu iska indha tiro dhalashada Toure ee 2014-kii.

Kaddib faallooyinkan wuxuu wakiilka Seluk sheegay in ‘habaarka Afrikaanku’ uu qaban doono isagoo ka imanaya qanacsanaan la’aanta Toure ee tababarihiisa, isaga oo sheegay in mustaqbalka uusan marna qaadi doonin koob Yurub ah, waloow uu taas iskaga fogeeyey Toure oo warka wakiilka ku tilmaamay ”maalaa yacni”.

“Waxaan dhihi karaa inkaartaas iminka waa laga celiyey oo waxaa xalliyey sixirroolayaal Afrikaan ah, waxaana qabaa in City ay ku guulaysan doonto Champions League iyadoo uu wato Pep.” ayuu yiri wakiilku haatan.

Dimitri Seluk said that his comments were purely made in 'defence' of his client (pictured in 2018)

Hadalsame Media