DAAWO: Dibi ku dhex fakaday garoon lagu ciyaarayey & Ciyaartooydii oo uu midba meel ka boodey (Maxaa garoonka loo keenay?)

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2023 – Ciyaartooyda Horyaalka Catalans Dragons ee rugby-ga ayaa ku khasbanaaday inay gabaad raadsadaan kaddib markii ku dhex baxsaday garoonkii.

Kooxda Faransiiska ee Catalans Dragons ayaa ku martigalisay kooxda Ingariiska ah ee St Helens garoonka Stade Gilbert Brutus ee ku yaal Perpignan, koonfurta France, kulan ka tirsan Super League fiidnimadii Jimcaha.

Yeelkeede, saddex dibi oo aad u culus ayaa lagusoo wareejiyay garoonka dhexdiisa ciyaarta kahor si loogu faano tayada sare ee hilibka lo’da ee gobolka’, taasoo ahayd fikrad uu soo kariyey milkiilaha reer Catalans Dragons, Bernard Guasch, oo sidoo kale ah madaxa shirkad wershadaysa hilibka maxalliga ah.

Laakin muuqaal cajiib ah oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya mid ka mid ah dibidii oo inta wayraxay ka baxsaday ninkii gacanta ku hayey ee seetada ku jiidayey, isagoo ninkii weliba dhulka ku jiidaya, kahor inta uusan kusoo wareejin garoonka dhexdiisa.

Hadalsame Media