Somalia dhul-beereed waa leedahay balse beero waawayn ma laha e maxaa u diiddan? 3 CAQABOOD ayaa jira

0

(Hadalsame) 06 Maajo 2023 – Wayddiin. Iyada oo ay aqoonta beeruhu is ku raacsan tahay in dhulka soomaalidu yahay mid ku habboon beeraha webiyada, beeraha roobka, beeraha durdurrada iyo ceelasha, oo carrada soomaalida inteeda u gu badani hodan tahay, maxaa loo waayay beero waaweyn oo soo saara irsaaqad dadka ku filan?

Maxaa loo waayay farsamo beereed oo dhaanta waxa maanta ee ah yaambada, dibiga iyo cagafta gabowday?

Warcelin. Laba cadaw oo haddii sharci iyo awoodi xakamayn waydo sidoodaba halis ah baa maanta irsaaqadda iyo awoodda soomaalida haysta. Waa siyaasi saqajaan ah oo hankiisa iyo aqoontiisu liitaan iyo hantiile ay lacagtiisu asalkaba ka timid wasakhda uu dunida ka soo waarido, ama sarrif iyo xawaalad aan hawl iyo maalgashi u ga baahnayn, ama dillaal guryo uu dhiso iyo daymo dadka ku dhiigmiirta.

Ma jiro soomaali lacag haysta oo saddexdaa xaaraamood meel aan ahayn ka helay.

In malaayiin Dollar la gashado beeraha, xoolaha, kalluunka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, si aad lacag waqti fog ah u ga faa’iiddid dadkaaguna shaqo iyo dheef u ga helaan, waa shaqo xalaal ah oo aad lacagtaada gelinaysid, oo hawl iyo tacab kaa ga baahan, taana ma rabaan saddexda qawlaysato ee caadaystay in ay lacag fudud oo kaash ah dadka ka urursadaan.

W; Q: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media