”Waa la xirayaa haddii uu Sweden cag soo dhigo” – Ninkii Qur’aanka gubayey oo ay godkiisa biyo ugusoo galeen & Barwo loo jaray

0

(Stockholm) 06 Maajo 2023 – Ninkii Qur’aanka ku gubayey Sweden ee Rasmus Paludan ayaa lagu sameeyey baaris ku saabsan nacayb ka dhan qayb ka mid ah dadwaynaha, aflagaado iyo weerarro daran oo ka dhan ah booliiska ayaa la xirayaa haddii uu cag soo dhigo Sweden.

Ninkan ayaa loogu yeeray si su’aalo loo waydiiyo, laakiin wuu diidey inuu yimaado Iswiidhan.

Dacwad Oogaha Adrien Combier-Hogg ayaase raadinaya suurtagalnimada ah in Paludan dacwaddiisa lagu dhegeysto Denmark, iyadoo gacan laga helayo booliiska Denmark.

Sida lagu qoray wargayska Aftonbladet, Rasmus Paludan ayaa dacwaysan isaga oo maqan, taas oo la macno ah in si deg deg ah loo xiri doono, haddii lagu qabto kontoroollada lagasoo galo Sweden isagoo ka imamaya Denmark, halkaas oo uu hadda joogo.

Sidoo kale waa la xirayaa haddii lagu arko meel fagaare ah oo Sweden ka mid ah, sida uu sheegay isla wargayska Aftonbladet. Halkan kasii aqri….

Hadalsame Media