Midabka Bisha oo caawa is bedelaya & Midabka uu noqonayo + Sababta

0

(Hadalsame) 05 Maajo 2023 – Waxaa caawa is bedelaya midabka bisha taasoo ah ifafaale dabiici ah oo laga dareemi doono daafaha qaaradaha dunida.

Balaayiin adduunka ku nool ayaa arki doona in dayaxeenna dabiiciga ihu uu ka beddelnaan doono caddaankiisii caadiga ahaa uuna noqonayo midab baroon cawl ah.

Dhacdadan waxa sabab u ah dayax madoobaad loo yaqaan ‘penumbral’, halkaas oo uu harka dhulka ee hoose – penumbra – uu qaban doono dayaxa.

Waxay tani dhacdaa marka dhulku uu kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, isaga oo xannibaya in iftiinka qorraxdu uu gaaro dusha ama oogada dayaxa.

Balaayiin dad ah oo ku kala nool qaybo badan oo Yurub ah, Afrika, Aasiya, Australia iyo xitaa cirifka qabow ee Antarctica ayaa heli doona fursad ay ku arkaan marka ay saacaddu tahay 6.22pm BST caawa.

Hadalsame Media