Barcelona oo ka fikiraysa inay qaarad kale ka ciyaarto haddii laga saaro Champions League (Qaaraddee u qorshaysan?)

0

(Barcelona) 03 Maajo 2023 – Barcelona ayaa waxay sahmin doontaa tartamo kale, oo laga yaabo inay ka dhacaan Asia, haddii ay ganaax kala kulmaan UEFA kaasoo ka joojinaya inay u tartamaan Champions League, sida ay wararku sheegayaan.

UEFA ayaa hadda wadda baaris ku saabsan eedaymaha ah in kooxdu ay lacago siisay Madaxwayne Xigeenkii Guddiga Garsoorka Spain intii u dhaxaysey 2001 iyo 2018.

Lacag lagu qiyaasay £6.5milyan (€7.3m) ayay Barcelona siisay DASNIL iyo NILSAT oo ah laba shirkadood oo uu leeyahay Jose Maria Enriquez Negreira.

Maamulka K/C Yurub ayaa bilaabay baaritaan u gaar ah oo ku saabsan faragelintan garsoor kaddib eedaymaha uu kooxda usoo jeediyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Spain.

Waqtigan xaadirka ah, UEFA ayaa u xaqiijisay Blaugrana in  loo ogolaan doono inay ka qaybgalaan tartanka xilli ciyaareedka soo socda, kaasoo kooxda qaadi rabta horyaalka La Liga ay durba qarka u saaran tahay inay u soo baxdo.

Hadalsame Media