Dood durba laga keenay qaabka su’aalaha la waydiinayo MW Xasan marka la eego waxa dhacay

0

(Muqdisho) 01 Maajo 2023 – Waxaa su’aalo la sheegay in la waydiinayo MW Xasan Sh. Maxamuud, balse waxaa durba taagan dood ku saabsan inay noqon doonaan su’aalo sii diyaarsanaa marka la eego waxyaabaha dhacaya ee doodda gelinaya hadallo uu jeediyo isla MW Maxamuud.

Guddoomiye Xigeenkii hore ee Gobolka Banaadir ayaa qoraal dooddan ku saabsan qoray wuxuuna ku bilaabay:

Isbaddello (4) afar ah ayaa Booliska laga sameeyay, dhammaan isbeddelka la sameeyay waa xilal la xariira dakhliga iyo dhaqaalo Cash-ka ah oo si maalinlaha ah loo qaado.

Dadka la badelay waxaa kamid ahaa Jeneraal Af-tooje oo khabiir amni ah.

Dakhliga Garoonka, Dekedda iyo Turbataariyo oo ah saddex kamid ah afarta xil ee dakhliga ah ee la magacaabay duqa weyn ayaa dhallinyarada waalid u ah.

Horay dhanka Madaxweynaha waxaa u jiray;

📌 Kastamka Dekedda

📌 Kasstamka Garoonka

📌 Hay’adda Tayadhawrka oo 3 mashruuc oo waaweyn laga maamuli doono

📌 Maareeynta Musiibooyinka

📌 Canshuur dhaafka.

Madaxweynuhu waa dhexe wuxuu Masaajid dhexdiisa ka jeediyay qudbad la xariirta musuqmaasuqa, markale shirkii waxbarashada dalka wuxuu ka sheegay waxa uu ugu yeeray sida dadku u wada rabaa DHAC DHACA.

Waxaan maqlay in galabta Madaxweynaha su’aalo la waydiinayo waloow ay yihiin dad la soo xulay.

WAA LA YAABAY.

 

W; Q: Cali Yare Cali

Hadalsame Media