Guddoomiye Madaale oo waxyaabo badan oo hor leh “mamnuucay” & Arrimo aan sharci ahayn + Qaar aan kala caddayn

0

(Muqdisho) 01 Maajo 2023 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay inuu mamnuucay maaddooyin badan oo bulshada halis ku ah.

Waxaa ka mid ah isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale amray in la xadido dhaqdhaqaaqa xilliga habeenka wixii ka dambeeyay 12:00 oo aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo, ma uusan sheegin inay sidoo kale ku jiraan mehradaha oo idil iyo inay kaliya khuseeyso meelaha lagu cabo maadooyinka la mamnuucay.

Amarkan ayaa Duqa Magaalada Muqdisho ka sheegay kulan uu Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii lahayd xarumihii dhowaan uu xiray Maamulka Gobolka Banaadir.

Cilladda ay arrintani leedahay ayaa ah in la xiro goobo ganacsi oo aan amaanka halis ku ahayn iyo in la iska xadido dhaqdhaqaaqa muwaadinka oo dano badan yeelan kara habeenkii oo meelaha qaar laga shaqeeyo, maadaama aan wax la kala saarin.

Sidoo kale, Guddoonku ma sheegin cidda sharciyadan isaga awood u siisay maadaama uusan Baarlamanku soo saarin wax sharci ah.

Hadalsame Media