Halka lagu hayo nin Soomaali ah oo khalkhal geliyey diyaarad u socotey Muqdisho

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2023 – Nin rakaab ah oo Soomaali ah ayaa khalkhal geliyey Diyaaradda laga leeyahay Turkigu oo ku jirtay hawada, iyada oo ka soo haaday gegida diyaaraddaha ee Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho.

Ninkan Rakaabka ahaa oo lagu eedeeyey inuu cabsanaa khamri, ayaa la sheegay inuu weeraray shaqaalaha diyaaradda oo markaa gashay Hawada Dalka Masar, isaga oo kahor intii aanay shaqaalaha is af dhaafin ay isku dhaceen rakaab saarnaa Diyaaradda.

Intaa kaddib, shaqaalihii diyaaradda ayaa u digay rakaabka Soomaaliga ah, iyagoo ku eedeeyay inuu sakhraansan yahay.

Rakaabkii Soomaaliga ahaa ayaa markaas weeraray shaqaalihii diyaaradda. Katiinad caag ah ayaa lagu xiray rakaabkii falka sameeyay. Duuliyaha diyaaradda Turkish ayaa go’aansaday inuu si degdeg ah ugu soo deggo garoonka diyaaradaha ee Antalya.

Markii ay diyaaraddu soo caga dhigatay garoonka Antalya 06:00 subaxnimo ayaa la xiray rakaabkii falkan geystay.

Hadalsame Media