”Naa qolka iiga bax! Sidee gool u dhaliyeen markii aad soo gashay?” – Taageere Arsenal oo xaaskiisa ku qaraarey oo weerar lagu qaaday (Daawo)

0

(Manchester) 27 Abriil 2023 – Taageerayaasha ayaa weerar ku qaaday xiddiga AFTV Troopz kaddib markii uu ku xanaaqay xaaskiisa intii lagu guda jirey kulankii guuldaradu kasoo gaartey Gunners oo 4-1 ay ku xaaqday anchester City Arbacadii.

Troopz, oo magaciisa saxda ahi yahay Aumar Hamilton, ayaa magac ku sameeyey  kanaalkan – waagaas loo yaqaanay Arsenal Fan TV – markaasoo uu aad u naqdiyi jirey Arsene Wenger.

Waxa uu si joogto ah uga hadlaa arrimaha Arsenal, sidoo kale waxa uu u shaqeeyaa shirkadda Maraykanka ah ee Barstool Sports isagoo habeenimadii Arbacadii xalay si toos ah u tebinayey kulankan muhimka u ahaa horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Troopz ayaa aflagaado naxdin leh u gaystey xaaskiisa kaddib markii Kevin De Bruyne uu 1-0 kaga dhigay ciyaarta kooxda Pep Guardiola todobo daqiiqo oo kaliya kaddib.

Markii uu ka fal-celinayey goolka Belgianku uu dhinac dhaafiyey Ramsdale, Troopz waxaa ka lumay sawaabkii, wuxuuna u muuqday mid ku qaylinaya isagoo eegaya jihada lamaanihiisa, isagoo leh: ”Naagtan xun ayaa gudaha soo gashay kaddibna waxay heleen gool. May walaal, waa iga dhab.”

”Ha ii dhoolla cadeyn. Maxaad ula jeeddaa inaad ciyaarta daawato? Nah bax, bax! Kooxdayda ayaad habaar ku tahay.” ayuu yiri isagoo u qarinaya inay bacaaw ku tahay.

“Waa iga dhabe qolka iiga bax. Ka bax qolka. Ha ii qoslin, qolka ka bax. Tag! Tag! Tag macaan! Iska daa ma daawanayside. Sidee qolka usoo gashay oo ay gool u dhalin karaan?

Taageerayaasha ayaa arrintan aad ugu dhaliilay ninkan iyagoo u sheegaya in gool ciyaar laga dhaliyey uusan qiil u noqon karin tacaddi guryaha ka dhaca oo dhexmara lamaanaha wada jooga. Halkan kasii aqri FAL-CELINTA dadwaynaha….

Hadalsame Media