”Jug wayn ayay ku tahay” – Hoteel casri ah oo uu Ronaldo ka dhisanayo magaalada Paris oo caqabado wajahaya + Sawirro

0

(Paris) 26 Abriil 2023 – Mashruucii Cristiano Ronaldo uu ku dhisayey huteel cusub oo qaali ah oo laga dhisayo magaalada Paris ayaa waxaa ku yimid dib u dhacyo dhowr ah, waxaana laga yaabaa inuusan ugu dambayntii xitaa furmin afar sano oo kale, sida ay ogaatey MailOnline.

Hudheelkan afar-xiddiglaha ah ee ku kacaya £53 milyan oo ginni, ayaa ku yaal daanta bidix ee webiga Seine ee u dhow saldhigga tareenka ee Austerlitz, waxaana markii hore loogu talagalay in la furo 2021-kii, sidaa darteed, ugu yaraan lix sano ayuu dib uga dhici doonaa jadwalkiisu marka ay ugu dambayntii lagusoo dhoweeyo martida.

Shaqada dhismaha ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka bilaabatay hoteelka, kaas oo la qorsheeyey inuu ka koobnaado 210 qol, baar qaybta sare ah iyo barkad leh muuqaal muuqaal laga dheehan karo caasimadda Faransiiska.

Halyeeyga reer Portugal ayaa weli u ciyaarayey Juventus markii ay ahayd in la furo. Tan iyo markii uu dib ugusoo laabtay – oo ay misna isku dhaceen – Manchester United iyo haatan oo uu ka ciyaaro Saudi Arabia weli wuu socdaa, laakiin waxa hubaal u dhow in uu ka fadhiisan doono ciyaaraha marka ay ugu danbayn albaabada loo furo.

Ilaha sida wanaagsan xaalkiisa ula socda ayaa sheegay in masiibada Covid iyo xannibaadihii la socdey ay sidoo kale sabab u ahaayeen dib u dhaca.

Si kastaba, nin u dhuun daloola ganacsiga hoteelkan Paris ayaa yiri: “Dib u dhacani wuxuu dhabar jab wayn ku noqday Ronaldo oo shaqsi ahaan si wayn uga dhursugaya inuu guulaysto mashruucan oo uu waqti geliyay.”

Hadalsame Media