Sheekada Xannaan waa xanuun miiran balse 3 meelood ayaa iska yara SEEGGAN (Meelaha is burinaya?)

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2023 – Waxaan daawaday waraysiga gabadha Xannaan Shidane taasoo sheegtay in nin ay xaas u ahayd uu dhibaato badan u gaystay. Waa hubaal inay dumar badan, iyo xitaa mararka qaar raggu, ay dhib la aamusan yihiin.

Ha yeeshee, waraysigeeda waxaa ku jira hadallada qaar iska hor imaanaaya inta aan ka xusi karo hadaan soo qaato waxaa ka mid ah:

1. Mar waxay tiri wuxuu i dejiyey qol cariish ah, yacni dhis iyo malaas ka dhisan, oo sariiraha qolka yaalla ayuu igu xiri jirey, marna waxay leedahay guri filla ah ayaan deganayn.

2. Mar kale waxay leedahay cuntada hal jiko ayaa lagu karin jirey maadaama guriga ay la deganaayeen qoyska ninka qaba cuntadana iyada iridda ayaa loosoo dhigi jirey, hadana waxay leedahay daaqadda aa la iiga soo dhiibi jirey.

3. Marna waxay leedahay ninka cunto yar ayuu keeni jirey oo isaga oo kaliya ku filan waana u karin jirey waxna igama siin jirin. Horayna waxay u sheegtay in cuntada hal jiko lagu karinayey iyadana daaqadda ama albaabka looga soo dhiibayey iyo waxyaabo kaloo badan.

Isku soo duube, waa macquul in gabadhu ay dhib kala kulantay iyo inay jirto in marwooyinka qaar ay nimankooda dhib kala kulmaan, balse intaas ayaan ka calaameeyey waxaase fiican in la helo dhinaca kale ee sheekada.

Adiga maxaa kaaga baxay?

 

W; Q: Sulaymaan Cabdullaahi Max’ed

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku xusan

Hadalsame Media