WAR CUSUB: Suuriya & Sucuudiga oo shir ku yeeshay magaalada Dimishiq

0

(Hadalsame) 18 Abriil 2023 – Madaxwaynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Sucuudiga, Amiir Faysal Bin Farhan, sida ay faafisay warbaahinta Dowladda Suuriya.

Waa tillaabadii ugu muhiimsanayd ee lagu soo afjarayo go’doominta gobolku ay geliyeen dalka Suuriya oo socotey muddo tobanka sano ah.

Bin Farhan ayaa ka degay Dimishiq, toddobaad kaddib markii dhiggiisa Suuriya uu booqday Sacuudiga.

Labada dal ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed bishii hore.

Sucuudiga ayaa sidoo kale xiriirka la caadiyeeyey dalka Iran oo xiriir dhow la leh Suuriya.

Hadalsame Media