Tirakoob argagax leh oo kasoo baxay kufsiyo ka dhaca isbitaallada Ingiriiska

0

(London) 18 Abriil 2023 – In kasta oo la badiyey kaamirooyinka CCTV iyo waardiyayaasha, misna in ka badan 6,500 oo kufsi iyo faraxumayn iskugu jira – kuwaasoo qaar ka mid ihi ay carruur ka yar 13 sano yihiin – ayaa laga gaystey isbitaallada ku yaalla England iyo Wales tan iyo 2019-kii, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Shabakadda Xuquuqda Haweenka (WRN) oo la daabacay Isniintii.

Ugu yaraan 2,088 kufsi ah iyo 4,451 faraxumayn ah oo ka dhacay isbitaallada ayaa waxaa diiwaangeliyey ciidamada booliska UK intii u dhaxaysey Janaayo 2019 iyo Oktoobar 2022, sida uu sheegay ururka  WRN, isagoo tixraacaya XOGAHA xorriyadda macluumaadka ee 43 ciidamada booliiska ah.

Mid ka mid ah todobiiba waxay weerarradani ka dhaceen qaybaha isbitaallada gudohooda, sida warbixinta lagu sheegay.

Dembiyada la soo sheegay waxaa ka mid ah kufsi loo gaystay gabar ka yar 13 sano jir iyo kufsi wadareed lagula kacay gabdho ka wayn 16 jir lagu kufsaday labo isbitaal oo ku yaalla West Midlands.

Saddex kufsi oo loo gaystey haweeney ka yar 16 jir ayaa iyana laga soo sheegay Cambridgeshire, halka lix gabdhood oo ay da’doodu ka yar tahay 13 jir lagu kufsaday Lancashire, sida ay warbixintu sheegtay.

Diiwaanada la helay kuma taxnayn jinsiga dhibbanayaasha, kuwaaas oo lagu go’aaminayo baaritaan dheeraad ah oo ay samaynayso WRN. Ugu yaraan 14 weerar ayaa waxaa loo gaystey dhibane rag ah, kuwaaasoo uu ka mid yahay qof ay da’diisu ka yar tahay 13 jir, sida ay warbixintu sheegtay.

6,539 kiis oo loo gudbiyey booliiska, kaliya 265 ka mid ah, ama 4%, ayaa ku dambeeyey in lasoo gudbiyo eedaymo dembi oo ka dhan ah tuhmanaha.

WRN ayaa ka codsatay NHS inay ka noqdaan go’aan ay 2019-kii ku gaareen in dadka jinsigooda bedeley sida ragga naagaha isku sheegaya loo fasaxo qaybaha dumarka caadiga ah.

Hadalsame Media