Onana iyo Brozovic oo si dhib leh lagu kala celiyey & Qofka eelka bilaabay (Daawo)

0

(Milano) 18 Abriil 2023 – Xiisad ayaa ka jirta xerada tababarka kooxda Inter Milan habeen kahor kulanka soo laabashada ee wareega 8-da Champions League ee ay la ciyaarayaan Benfica.

Waxay ka dheerdheeraatay qabtaha kooxda ee André Onana iyo laacibka khadka dhexe ee Marcelo Brozovic intii lagu guda jirey tababarka xerada Appiano Gentile.

Onana ayaa taako ku qabtay Brozovic mar dhex ku jire la isku kululaynayey, waxaana arrintaa ka caroodey laacibka reer Croatio, iyadoo ay markiiba kala qabteen saaxiibadood  D’Ambrosio iyo Lukaku.

Labada nin ayaa sii wadey inay hadallo isku tuur tuuraan, balse dhowr ilbiriqsi kaddib, tababarku si caadi ah ayuu usii socdey.

Hadalsame Media