”Waa nala soo weerarayaa” – Gobolka Amxaarada oo si cad u diidey in la baabi’iyo ciidamada Gobolkooda & Dibadbaxyo socda

0

(Gondar) 12 Abriil 2023 – Mudaaharaadyo waawayn ayaa maalintii shanaad ka socda gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, kuwaas oo lagaga soo horjeedo tillaabooyinka ay Dowladdu ku doonayso inay ku kala dirto ciidanka maxalliga ah ee Liyuu Booliis.

Dibad-baxayaasha ayaa waddooyinka ku xiray dhagxaan iyo taayarro gubaya si ay uga hortagaan in ciidamada millaterigu ay aaggaa gaaraan.

Dibad-baxayaasha ayaa ka cabsi qaba in go’aanka Dowladdu uu ka dhigo kuwo baylah u ah inay la kulmaan weerarro kaga yimaada gobollada deriska la ah sida kan Tigreega.

Maamul-goboleedyada Itoobiya ayaa waxay leeyihiin ciidammo u gaar ah oo ilaaliya xuduudahooda, lana dagaallama jabhadaha.

Dowladda ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay doonayso in ciidamadan gaarka ah lagu biiriyo Ciidamada Dowladda Federaalka ee Millateriga ama Booliska si loo horumariyo midnimada qaranka.

Yeelkeede, go’aankan ayaa mucaaradad xooggan kala kulmay shacabka Axmaarada, waxaana mudaaharaadyo waawayn ay ka dhaceen magaalooyinka iyo degmooyinka gobolka.

Waxay taasi horseedday bandow qayb ahaan lagu soo rogey magaalada taariikhiga ah ee Gonder, iyadoo lasoo sheegayo iska horimaadyo u dhexeeya dibadbaxayaasha iyo millateriga magaalada Kobe, oo u dhow xuduudka gobolka Tigraay ee deriska la ah.

Hadalsame Media