Israel oo looga digey halista wayn ee ka dhalan karta weerar ay ku qaaddo dalka Iran

0

(Hadalsame) 12 Abriil 2023 – Wargeyska’The Times’ wuxuu daabacay qormo uu ugu magac daray Israa’iil haddii ay weerar militari ku qaaddo Iiraan maxaa dhacaya? Qoraalkaasi oo uu qoray Max Hastings.

Max qormada uu kaga faalloonayo xiisadda Israa’iil iyo Iiraan u dhaxeysa wuxuu ku xusay weerar militari oo ay Israa’iil ku qaaddo Iiraan iney ka dhalan karaaan arrimo ay ka mid yihiin saameyn ay gobolka u geysato iyo dib u dhac ku yimaaddo ka hortagga iney Iiraan sameysato hubka Nukliyeerka.

Qoraagu wuxuu leeyahay, “Benjamin Netanyahu oo ah Raysul wasaare go’doonsan wuxuu raadinayaa qorshe uu siyaasaddiisa ku soo nooleeyo, mid ka mid ah fursadaha ugu wanaagsan uu haystana ay tahay iney ciidamadiisa cirka ay weerar ku qaadaan Iiraan.”

“Weerar lagu qaado xaruumaha Nukliyeerka ee Iiraan waxay soo dadajineysaa qalalaase goboleed, haddaanu noqon mid calami ah. Balse Netanyahu wuxuu marar badan sheegay danahiisa siyaasadeed ee gaarka ah inuu ka hormarinayo danaha kale uu dalkiisu leeyahay,” ayuu yiri qoraaga oo faalladiisa sii wata.

“Marka, saaxiib Israa’iili ah oo xog ogaal ah ayaa sheegaya inuu aad ugu badinayo in weerar lagu qaado Iiraan,” ayuu yidhi.

“Si kastaba ha ahaatee, tallaabbo militari oo Iiraan lagu qaado ma noqonayo mid lagu gaaro natiijo la taaban karo. Iiraan waa dal hayo waddadi uu Nukliyeer ku sameysan lahaa. Waxaan la hubin oo keli ah xilliga ay Iiraan Uraniumka la tayeeyey ay u baddaleyso qunbulada Nukliyeer ah,” ayuu yiri.

Qoraaga oo soo xigtay qoraal uu dhawaan qoray la taliyihii hore ee amniga qaranka Israa’iil, Chuck Frilich: “Israa’iil waxay leedahay aqoon ku filan si dib loogu habeeyo barnaamijka xataa haddii si buuxda loo weeraro. Marka tallabba miltari oo hadda la qaado ma aha mid lagu baabb’inayo barnaamijka Nukliyeerka Iiraan oo dooneyso iney wakhtiga sii dheereysato.”

Gantaal ay Iran sameysay

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

“Aragti ahaan ma jirto sabab diideyso Israa’il iyo Iiraan oo hubka Nukiyeerka haysto iney wada jiraan, sida ay Hindiya, Pakistan, Shiinha, Ruushka iyo Mareykankaba ay sameeyeen,” ayuu yiri Hastings.

Wuxuuna intaa ku daray, “waddamadaasi midkoodna ma muujin go’aan ah inuu baab’iyo dalka kala ee ka soo horjeeda, halka ay Iran sheeganeysa ama hoggaamiyahooda ruuxiga Cali Kameynei uu Israa’iil ku tilmaamay buro kaansar oo gobolka ku taalla.”

“Hoggaamiyeyaasha difaaca reer galbeedka iskaashiga Ruushka iyo Iiraan wey ka naxeen,” ayuu yiri. Tehran oo Moscow siiso hub badan iyada oo ku baddalaneyso aqoonta Ruushka uu u leeyahay barnaamijka Nukliyeerka.

Hastings qormadiisa wuxuu ku soo afmeeray: “Barafasoor Sir Michael Howard waxaa uu odhan jiray Iraan oo hub yeelato ay ka khatar badan tahay, in la isku dayo in Iiraan xoog lagu maquuniyo. Ka hortagga Iiraan oo yeelata hubka sida weyn wax u gumaada waxaa lagu maareyn karaa hab aan ahayd weerar militari taasina ay mushkiladda marnaba xal u noqoneyn.”

Israa’iil 2018-2022 waxay weerarro ku qaadday xaruunta nukliyeerka Iiraan.

Madaxi hore ee laanta sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Yossi Cohen wuxuu sheegay diyaaradaha dagaalka Israa’iil iney duqeymo u geysten xaruumaha Nukliyeerka Iiraan sida oo kalana xog badan oo xaruumahaasi ku saabsan ay Israa’iil gacanta u soo galeen.

“Xaruunta Nukliyeerka ee Natanz iyo dilki loo geystay seyinsyahankii Iiraan u qaabilsanaa Nukliyeerka ay ka mid tahay guulaha ay Israa’iil howlagalladaasi ka gaartay,” ayuu yiri.

Israa’iil ayaa muddo dheer ka walaacsaneyd saameynta Iran ay ku leedahay gobolka ee sii kordheysa.

Loolanka oo si tartiib ah ku bilowday ayaa sannado badan soo socday waxa ayna Israa’iil ku dooneysa inay uga hortagto damaca Iran ay ku hormarineyso hubkeeda nukliyeerka, sida gantaalada riddada dheer iyo maraakiibta qaada lidka diyaaradaha oo Iran ay u dirto kooxda Xizbullah ee ku sugan dalka Lubnaan.

BBC

Hadalsame Media