”Finland waxay lumisay maqaamkii gaarka ahaa xiriirkeenuna waa xumaaday” – Ruushka oo kadigey in hubka culus ee NATO la keeno Finland

0

(Moscow) 05 Abriil 2023 –  Go’aanka Helsinki ee ku biirista isbahaysiga NATO ayaa “saamayn xun” ku yeelan doona xiriirka ay la leedahay Ruushka, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka. Talaadadii, Finland waxay soo gebagebeysay ku biirista NATO, iyadoo noqotay xubinta 31-aad ee isbahaysigan uu hoggaamiyo Maraykanku.

Tillaabadan ayaa si lama filaan ah u keeni doonta jawaab ka timaada Moscow, ayay Wasaaraddu tiri, iyada oo intaa ku dartay in Ruushku uu u arko is ballaarinta kooxdan inuu khatar toos ah ku yahay danihiisa amniga qaranka.

“Sida aan dhowr jeer ka digney, Xiriirka Ruushku waa inuu arrintan kaga jawaabaa farsamo-millateri, iyo sidoo kale tillaabooyin kale si wax looga qabto khataraha amniga qaranka ee ka imanaya Finland ku biirista NATO,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.

Ilaa hadda, Moscow way ka gaabsatay inay ku dhawaaqdo tillaabooyin la taaban karo oo ay qaadi doonto si ay uga jawaabto ku biiritaanka Finland ee NATO. Jawaabtu se waxay ku xirnaan doontaa “shuruudaha gaarka ah ee ay Finland kula biirto NATO, taasoo ay ku jiraan gaynta kaabayaasha millateri ee NATO iyo hubka wax weerara ee dhulkeeda,” ayay Wasaaraddu sii sharraxday.

Marka laga reebo taas, tillaabada Helsinki waxay dhaawac u gaysatay mowqifka caalamiga ah ee Finland. Ku biirista NATO, Finland “waxay keentay inay ka tanaasushey maqaamkeedii gaarka ahaa waxayna lumisay madaxbannaanideedii,” ayay raaciyeen.

“Ha khaldaminina, ku biiritaanka Finland ee NATO waxay saamayn xun ku yeelan doontaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Finland.” ayay kusoo afjareen bayaankooda.

Hadalsame Media