Doorashada Turkiga: Maxay tahay sababta uu Erdogan uga qayliyey Danjiraha Maraykanka? (Warbixin ballaaran)

0

(Hadalsame) 05 Abriil 2023 – Doorashada Turkiga ——- Turkiga waxaa si kulul u ga socda ololaha doorashada madaxnimada iyo wakiillada oo dhici doonta 14 Meey.

Waxaa isu soo baxay 36 xisbi oo aad u ka la wada aragti iyo barnaamij duwan, kuwaas oo badankoodu ku jira isxulafaysi. Labada gaashaanbuurood ee u gu waaweyn oo la hubo in midkood guulaysanayaa waa Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka ee Erdogaan hoggaamiyo ee taladana imika haya oo ay laba xisbi oo kale la socdaan iyo Xisbiga Jamhuurka Dadka oo uu hoggaaminayo odayga magaciisa loo qoro Kemal Kilicdaroglu oo ay shan xisbi oo kale la socdaan. Waxaa se dhici karta in xisbiyada yaryar ee aan imika dhanna raacsanayni wax weyn beddelaan.

Waxaa loo arkaa in ay noqonayso doorashadii u gu adkayd ee abid Turkiga ka dhacda sababo badan, iyada oo sharciga doorashooyinka dhowaan beddel la gu sameeyay. 36 xisbi waxaa baarlamaanka u soo gudbi kara oo keliya kii codadka guud ee dalka hela u gu yaraan 7%. Xisbiga baarlamaanka geli kari waayana codadkiisii waxaa loo qaybinayaa xisbiyada kale, taas oo saamayn weyn ku yeelanaysa sida hadhow xisbiyada waaweyni u ka la helayaan xildhibaannada baarlamaanka.

Saxaafadda siyaasadda Turkiga u dhuundalooshaa sida ay sheegayso aad bay u adag tahay in la sii saadaaliyo natiijada, dhawr arrimood baana carrabka la gu celcelinayaa. Waxaa ka mid ah in Erdogaan weli haysto kalsooni badan, iyada oo intii uu talada hayay waxa Turkiga u hagaagay ka badan yihiin waxa ka xumaaday. Waxaa kale caawin karta iskudhaca isaga iyo reer Galbeedka, iyada oo turkida badankoodu la ficiloon karaan. Shalay oo u dambaysay fadeexad baa ka la qabsatay madaxweyne Erdogaan iyo danjiraha Maraykanka u fadhiya Ankara.

Waxaa dhacday in safiirku xafiiska ku booqday oo la shiray hoggaamiyaha mucaaradka, taas oo Erdogaan oo aad u ga cadhooday ka yeedhsiisay: “Doorashada soo socota waa in aynnu Maraykanka cashar u dhignaa”. Wax uu ninkaa ku canaantay: “Wax aad ku kacday ceeb iyo fal aan habboonayn”, wax uuna ku tilmaamay nin xadkiisii ka gudbay oo uuna dib dambe u la kulmi doonin oo albaabkiisu ka xidhan yahay.

Dhan kale haddii la ga eego waxaa dhici karta Erdogaan in taladiisa la gu daalay ama la ga xiise dhacay, waayo soddon sannadood buu umadda soo hor taagnaa: 1994 ilaa 1998 wax uu ahaa duqa Istanbuul, 2003 ilaa 2014 wax uu ahaa raysalwasaare, 2014 ilaa maanta waa madaxweyne mar kale tartamaya.

Odayga kale ee Erdogaan kursiga ku la loollamaya, oo qudhiisu ah nin adag oo taageero badan haysta, guushiisa waxaa kaalinta u gu weyn ku yeelan doonta sida uu isu gu hayo xulafadiisa lixda xisbi ka kooban oo jihooyin ka la duwan ka yimid. Dhanka kale ee guushu u gu jirtaa waa iyaga oo abaabula dadka badan ee aan weli go’aansan in ay codeeyaan ama cid ay u codeeyaan.

Odaygan mucaaradka hoggaaminaya dadkiisu wax ay ku saluugi karaan in uu Maraykanka u jajaban yahay, taas oo ah sababta Erdogaan shalay u ga qayliyay oo dadka u maqashiiyay kulanka dhex maray isaga iyo danjiraha. Shakina ku ma jiro in sirdoonka iyo diblomaasiyadda reer Galbeed oo Maraykanku u horreeyaa intii itaalkood ah mucaaradka badhitaari doonaan si ay Erdogaan oo ay macangag u arkaan isaga hor dhaqaajiyaan.

Codadka dadweynaha ee loo legdamayaa wax ay u qaybsan yihiin dadka dhaqanka iyo diinta u janjeedha iyo qoomiyiinta oo xulafada Erdogaan la jira, iyo dhanka kale calmaaniyiinta, kurdida badankeeda, jamhuuriyiinta iyo liberaalka oo xulafada mucaaradku codka u gu badan ka filayso. Lix milyan oo dhallinyaro ah oo markii kowaad codaynaya ayaa iyagana la ka la jiidanayaa.

Si walba doorashada Turkiga dadyow badan baa danaynaya waayo wax uu noqday quwad saamayn ku leh gobolkiisa iyo dunidaba.

W; D: Ibraahin Hawd

Hadalsame Media