DAAWO: Maamulka Puntland oo kasoo horjeestey magacaabista Guuleed (Ergay noocee ah ayay ku taliyeen?)

0

(Garoowe) 02 Abriil 2023 – MW Somalia ayaa shalay Cabdikariin Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga Gaarka ah ee wada hadalka DF Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Wuxuu Guuleed ugu dambeeyaa tiro ergo ah oo uu MW Xasan Sheekh magacaabayey tan iyo markii la doortay, kuwaasoo inta badan loo dhiibey rag isaga xulafo la ahaa.

Yeelkeede, Bayaan kasoo baxay Maamulka Puntland oo uu aqriyey Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi ayaa lagu dhaliilay magacaabistan.

Puntland ayaa sheegtay inaysan jirin wax la yiraahdo bulsho woqooyi oo midaysan oo lala hadlo sidaa darteed ay ku fiicnayd inuu Xasan soo magacaabo ergay bini’aadminnimo si loo caawiyo dadka ka barakacay dagaalka Laascaanood.

Puntland ayaa sidoo kale iska fogaysey inay ku lug leedahay dagaalka Laascaanood sida uu sheegay Maamulka Somaliland.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media