”Raadso khudbad qore fiican” – Shiinaha oo furka ku xooray Guddoonka EU

0

(Beijing) 01 Abriil 2023 – Khudbadda Madaxwaynaha Komishanka Yurub Ursula von der Leyen kahor booqashadeeda Shiinaha waxay ahayd mid aan is waafaqsanayn, aan la fahmayn, misna si khaldan loogu fasiray siyaasadaha iyo mowqifyada Beijing, ayuu yiri Safiirka Shiinaha ee Midowga Yurub.

“Waan yara niyad jabay,” ayuu Fu Cong u sheegay shabakadda wararka ee CGTN. “Khudbadaasi waxay ka koobnayd wax badan oo khaldan iyo fasiraad khaldan oo ku saabsan siyaasadaha Shiinaha iyo mowqifyada Shiinaha.

Waxaan dhihi lahaa qof kasta oo hadalkaas u qoray Madaxwayne Von der Leyen ma fahamsana Shiinaha, ama mowqifyada Shiinaha ama si ula kac ah ayuu u qalloociyey.” Ayuu raaciyey.

Von der Leyen waxay bixisay aragtida ah in la ogaado muhiimada ay leedahay in lala macaamilo Shiinaha oo hal dhinac ah, laakiin iyadoo ka cabsanaysa dhaleeceyn, gaar ahaan kuwa adag ee Yurub iyo laga yaabee xitaa Maraykanka, ayaa akhrinta hadalkeeda, waxay u ekaysiisay “sida in laba qofi ay isla murmayaan, markaa ma jiraan wax la fahmi karo.” Ayuu raaciyey.

“Waxaan rajaynaynaa in booqashadeeda Shiinaha iyo wadahadalka ay la leedahay madaxda Shiinaha, ay awood ugu yeelan doonto inay si fiican u fahamto Shiinaha,” ayuu Safiirku hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Hadalsame Media