DAAWO: Neymar oo khamaar mar qura ku khasaaray €1m oo euro (Ooyin & Qosol-gariir oo uu isku daray)

0

(Hadalsame) 30 Maarso 2023 – Laacibka Neymar oo horay ula tacaalayey dhaawac uu ku maqnaa ayaa haatan ku darsaday khamaar laga daawanayey khadka tooska ah, maadaama uu lumiyey €1m oo euro (£900,000) kaliya hal saac oo khamaar oo laga baahinayeyy kanaalkiisa Twitch.

Xiddiga Paris Saint-Germain – oo bishii qaata £3.2m oo gini – ayaa horay ugu maqnaa dhaawac canqowga ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan haatan soconaya.

Neymar oo aad ugu falan khamaarka oo uu ciyaaro waqtiga firaaqada, ayaa markan si loo wada jeedo ugu khasaaray, waloow uu muujiyey ooyin jees jees ah iyo qosol gariir xigey, maadaama lacagta uu khasaaray uu todobaad ku helo.

Neymar ayaa khasaaray £900,000 oo gini saacad gudaheed kulankaa khamaarka ah oo ay daawanayeen in ka badan 30,000 oo daawadayaasha Twitch ah.

Ninkan 31-jirka ah ayaa ooyintiisa saaray muusigga Titanic qayb ka tirsan oo aalaaba loo adeegsado in qamuunyada loo adeegsado.

Hadalsame Media