“Kulligeen waxaan nahay Shiinays kasoo jeeda hal boqortooyo!” – MW hore ee Taiwan oo booqasho ugub ah ku tegey Shiinaha

0

(Nanjing) 28 Maarso 2023 – Madaxwaynihii hore ee Taiwan Ma Ying-jeou ayaa safarkiisii taariikhiga ahaa ee 12-ka maalmood qaatay ee uu ku joogey dalka Shiinaha war kasoo saaray isagoo ku baaqay in la kordhiyo xiriir nabadeed oo dhex mara Taipei iyo Beijing oo uu tilmaamay dad isku abtirsida.

“Dhammaanteen waxaan nahay Shiinays,” ayuu Ma Talaadadii kaga dhawaaqay Nanjing, isagoo ku sugan Mausoleum-ka Sun Yet-sen hortiisa.

“Dadka ku nool labada dhinac ee marin biyoodka Taiwan waa dad Shiinays ah waxayna labaduba kasoo jeedaan Imbaraadoorraddii Yan iyo Yellow,” ayuu raaciyey.

Ma waxa uu noqday madaxii ugu horreeyey ee xukuumadda Taiwan soo mara, hadda iyo mid hore intaba, ee booqda dhulwaynaha Shiinaha markii ay diyaaraddiisu gaartey galabnimadii Isniinta magaalada Shanghai.

Waxa uu safarkani ku beegmayaa xilli ay sii xoogaysanayso xiisadda Taiwan kala dhaxaysa Shiinaha, taasoo keentay dhoollatus milletari ee marin biyoodka Taiwan sannadkii hore, waxana uu Shiinuhu wacad ku maray inuu dib u qaadan doono jasiiradd iyadoo xoog la adeegsanayo, haddii loo baahdo.

Xisbiga talada haya ee Taiwan ee Democratic Progressive Party (DPP) ayaa cambaareeyey booqashada Ma ee China.

Hadalsame Media