Ciidamada North Korea oo AGAB muhim ah laga xaday & Magaalo dhan oo ay xireen

0

(Pyongyang) 28 Jan 2023 – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa amar ku bixiyey in gebi ahaanba la xidho magaalada Haisan oo ku taalla xuduudda uu dalkiisu la lee yahay Shiinaha.

Magaaladan oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 200 kun oo qof ayaa loo haystaa rasaas laga xaday guuto ka tirsan ciidanka dalkaas kuwaas oo sugayey amniga xadka.

Iyada oo ciidanku ay bilaabeen in ay magaalada guri guri u baadhaan isla markaana ay raadiyaan rasaastan oo tiradeedu dhammayd 653 xabadood.

Magaaladan ayaa sii xidhnaan doonta tan iyo inta laga helayo rasaasta maqan ee ciidanka laga xaday.

Saanaddan oo la waayey horraanta bishan March ayaa lagu soo warramayaa in laga xaday askarta halkaas ku sugan oo xilligaas isu diyaarinaysay in ay meesha ka guuraan.

Lama oga tallaabada uu Kim Jong Un qaadi doono haddii sidaa lagu waayo rasaastan haatan la baadhayo.

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media