Saxaafadda dunida oo aad u qaadaa dhigtay afurka ay Chelsea u samaysay Muslimiinta + Sawirro & Muuqaal

0

(London) 28 Jan 2023 – Garoonka Stamford Bridge waxa uu noqday garoonkii ugu horreeyay ee Premier League ee lagu qabto munaasabad Afur ah iyada oo Chelsea ay albaabada u furtay bulshada degaanka fiidnimadii Axaddii, halkaasoo boqolaal ay isugu soo baxeen si ay ugu afuraan garoonka dhexdiisa oo sidoo kale lagu adimey salaadda Maqrib.

Open Iftar – oo ah waqcadda bulsho ee ugu wayn UK inta lagu guda jiro Ramadaanku, waxay u suurtagelisaa dadka inay isu yimaadaan oo ay sameeyaan Afur wada jir ah, iyo sidoo kale diyaarinta madal aamin ah oo wada hadal iyo bar-kulan ah.

Paul Canoville, oo ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee madow ah ee u ciyaara Chelsea, ayaa marti ku ahaa xafladda.

‘‘Waxay iga dhigan tahay wax walba markaan arko in bulshadu wada jirto. Taasi waa waxa ay kubbada cagtuba ku saabsan tahay – isu keenida dadka,” ayuu yiri Canoville, oo ciyaaray 103 kulan muddo shan sano ah gudahood intii u dhaxaysey 1981 iyo 1986.

“Ma garanayo waxa aan filan karo laakiin waxa ay ahayd khibrad aanan waligey la kulmin iyo xaqiiqdii mid aan jeclaan lahaa in aan mar kale sameeyo.” ayuu raaciyey Canoville.

Waxaa haatan dhacdadan aad u hadal haysa warbaahinta dunida min midda baraha bulshada ilaa middii soo jireenka ahayd.

Chelsea welcome Muslims to Stamford Bridge during Ramadan

Chelsea welcome Muslims to Stamford Bridge during Ramadan | Daily Mail Online

Hadalsame Media